Diiradda Wargeyska Cali Guray. Cali Guray Kulmiye

0
466

cali guray muse“Waxaan Ahay Afhayeenka Muuse Biixi Waana Geesi Inaadeerkay Muuse Biixi….Hadaladii Cali Guray

“Cirro Waa habar Saleebaana Waana Waslad Xun oo Innagu Dhex Jira….Hadaladii Cali Guray Iyadoo Muuse Biixi Weli aannu Xaal ka bixin Hadaladaas Cali Guray

Hargeysa (Sahan) 23,Feb 2017…Tan iyo Markii uu Xisbiga Kulmiye dib ugu soo laabtay Siyaasiga Layliga ah ee Hadalku ka dhaco isla markaana u yaqaana Siyaasada Cayda iyo Aflagaada oo warbaahinta lala soo fadhiisto  in lagu dalaco Waa Cali Maxamed Yuusuf Cali Guraye ayaa maalmihii u dambeeyay waxa jirtay Hadal hayn badan oo Bulshaddu iska waydiinaysay Aflagaadooyin Qaawan oo uu dusha ka saaray labada Gudoomiye ee Guurtida iyo Wakiiladda Saleebaan Mxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Dad badan oo taageerayaasha Xisbul xaakimka kulmiye ah ayaa is weydiiyay Ninkani Xisbiga ma wax buu u tarayaa mise taageerayaasha ayuu kala qaybinayaa ma muuse Biixi ayuu dhisayaa mise wuu ridayaa Su’aalaha jawaabahaa ayaa ku soo ururay in uu Xisbiga ugu Soo noqday inuu Taageerayaasha kala qaybiyo isla markaana Musharaxa Xisbiga Muuse Biixi Cabdi Rido waana arin cad waayo markii uu muddo 8 Sanno ku dhaw Xisbiga debed meer ka ahaa una kala Gooshay Xisbiyo Badan oo ay ka mid ahaayeen UDUB,Ucid,New Ucid iyo iminka oo uu ku soo noqday Kulmiye ka dib markii Xadhigiisa la qabtay isla markaana ay dabadu Soo Go’day Cali Guray Hadaynu Dib ugu Noqono Arrimihii uu Xisbiga Kulmiye Hore Uga Baxay waxa ka mid ahaa markii ay kaga Xoog roonaadeen Talada iyo Maamulka Beesha uu ka soo Jeedaa Hablihii Golaha hexe ee Xisbiga kula jiray ee ay Isku Beesha ahaayeen Gaar ahaan ZamZam Cabdi aadan oo iminka Ah Wasiirka Maaliyadda Aamina Maxamuud Diiriye oo ah Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada iyo Canab Cumar Illeeye Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Heer Qaran Hablaaas oo uu Xilligaa uga Carary Xisbigii uu Mujaahidka ka dhex Sheeganayey waana tii Gayaysiisay inuu Daahir Rayaalle Kaahin iyo Xisbigii UDUB u Galo isagoo ku beer laxawsaday inuu Degmooyinka 26 Juun iyo Koodbuur Codkooda u hayo ugu Dambayntiina waa kii Sifir Eber k baandheeyay Sheekadda,

Haddaba iminka oo Xisbiga Kulmiye Meel Fiican marayey Maxaa keenay in Wasladan Cayda Ragga iyo Dumarku aanay u kala soocnayn lagu soo dhaweeyo Xisbiga isla markaa Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye oo uu Hormuud ka yahay Muuse Biixi Cabdi ka aamuso Aflagaadada Qaawan ee uu Odayaasha iyo Ragga la tartamaya ku Hayo Cali Guray,waxaa dad badani u arkaan inay la qabaan “Gaal Dil Gartiisana Sii ayaa hore loo yidhi Waxa kale oo Jirta in Hore loo Yidhi “Ninkii Waalan Tolkii Ayaa u Miyir Qaba, ugu Dambayntii Haddii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku Faraxsanyahay Geesinimada iyo Nin Adayga Cali Gurayku Sheegay waa inuu ogaadaa in Ragga Kale ee uu Aflagaadada Qaawan huwiyay Iyaguna Qaar ay Geesiyaal iyo Halyeeyo u yihiin inay jiraan,Haddii Cali Guray isagoo Huwan magaca iyo Astaanta Xisbiga Kulmie uu Sidan u Sii Dhaqmaa waxay Keenaysaa in Mustaqbalka Musharax Muuse Biixi Iyo Xisbiga Kulmiye God Madow Ku Dhacaan Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Xaragana ha ka tegin Ilkana Gur”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here