War Deg Dega Gshanle Dheexe Farax Maxamed Axmed oo goor dhawayd lagu xidhay miska sarakiisha Hargeysa. Warbixin dhamystiran oo iftiminaysa xadhiigisa iyo sababta xadhigiisa

0
546

 

musa faqash

 

 

Warbixin iyo xogo mihiim ah  oo aanu ka helnay  gobolka  saaxil ayaa  iftiiminaya  in  dhulkii  danta  guud  ee  uu  lahaa  dhakhtarka  ciidanka  ee  gobolka  saaxil  oo  ahaa  dhul  aad   u  balaadhan  oo  dhinac  walba  ka  xigay  dhakharka  ay  ugu  tagri faleen   sifo  aan  sharci  ahayn  xubno  ka  mid  ah  ciidanka   iyo  maamulka  dawlada  hoose   ee  degmada  Berbara  oo  uu  hogaaminayo  Gudoomiyaha Degmada Bebera Cabdishakuur  cidin,  xogtani  waxay  iftiiminaysaa  in  boobka  iyo  kutagrifalka   dhulkaas  danta  guud  ahi  uu  bilaabmay  waqtigii  uu  xilka   haayay  janankii  hore  ee  ciidanka  qaranka  JAN.ISMAACIIL  SHAQALE,  sida  xogtu  iftiiminaysana  uu  qaataay  ismaaciil  dhul  aad  u  badan  oo  ay  ka  mid  yihiin  (( dhul  kaga  yaala  jihada  Bari  dhul  cabirkiisu dhan yahay 200x100m  iyo  dhul  labaad  oo dhakhtarka  kaga  yaala  jihada  Koonfureed  oo cabirkeedu yahay  45×83 M  oo  ah   laba   bogcadood)),  waxaa  kale  oo  isna  lunsaday  dhulkaas    guud  sarkaal  sare  oo ka  tirsan   ciidanka  qaranka  oo  magaciisu  yahay  (( CABDI  CABDILAAHI  (( CABDI  DHEERE,)), sida  xogtani  iftiiminayso  cabdi  waxa  uu  gacanyare  u  ahaa  ismaaciil  shaqale,  waxaanu  lunsiga  dhulkaas  ugaga  dhex  shaqaynayay  maayar  abdishakur cidin  iyo  ismaaciil  shaqale  sidii  ay  dhulkaas  u  lunsan lahaayeen, waxaanu  qaatay  oo lunsaday  cabdi  c/laahi ((Cabdi  dheere))  dhul  cabirkiisu  kala  yahay   Dhinaca  Bari oo uu ka  gostay  dhul cabirkiisu yahay   100X100M   iyo  dhulka  labaad  oo  ah  dhinaca  koonfureed  oo  cabirkiisu  yahay 45×83 m

 

 

 

Waxaa kale  oo  ka  mid  ah  saraakiisha  sida  sharci darada  ah  ugu  tagri  fashay  dhulkaas   dhakhtarka  ciidanka  1. Faroole  oo ah taliyaha Cidanka dhakhtarka berbera degan hada  oo  ka  goostay  dhul  cabirkiisu  yahay  100×150 M, Jihada  Koonfureed,   waxaa  kale  oo  isna  dhulkaas  danta  guud  ah  wax  ka  lunsaday  2. RUJIYE oo ka tirsan sarakiisha miiska Hargeysa oo  isna ka  lunsaday  jihada  Koonfur Galbeed  dhul   cabirkiisu  dhan  yahay  100×150 M.

 

 

Maamulka  dawlada  hoose  ee  degmada  berbera mayar ka yahay Cabdishakur Cidin  waxay  iyaguna  ka  lunsadeen  dhulkaas  danta  guud  ah  ee  dhakhtarka  ciidanka  intaas  ay  saraakiishu  qaateen  in  leeg  oo  ay  ugu  si  ay  ugu  sameeyaan  lunsigaas  lahaansho  gaar ah,    xogtani  waxay   iftiiminaysaa  markii  la  bedelay janankii  hore  ee  ciidanka  qaranka  ee  ciidanka  loo  magacaabay  janaraal  Nuux  Taani  in  halkii  uu  wax  ka  qaban  lahaa  musuqaas dhulka Ee foosha  xun  ee  ay  saraakiisha  ciidanka  iyo  dawlada  hoose  ay ku kaceen  in  isna  uu  qabsaday  intii  u  banaanayd  dhulkaas  dhakhtarka  ciidanka  oo  ah  dhul  cabirkiisu ka bedan  yahay 200x400M,  dhulkaas  oo  isna  uu  qayb  ka  qaatay  dilaalkii  janankii  hore  ee sarkaal cabdi  dheere,  hadana  laga  iibinayo  dad  shacab  ah, dhulkaas  danta  guud  ah  ee  laga  lunsaday  qaranka  iyo  ciidankii  deganaa  ee  ilaalinayay  ilaa 1991dii  oo  ay  maant  gacmo  madhan  ka  taagan yihiin  lagana  baayacayo  in  laga  iibiyo  dad  shacab,  arintaas  oo  aanay  waxba  kala  socon  wasaaradii  hawlaha  guud  oo  iyadu  qaranka  uga  masuula  dhulka  danta  guud  iyada  oo  laga  qarsanayana  sifo  tuugo  ah  lagu  lunsaday  oo  lagu  musuq  maasuqay,  waa  fadeexadii  ugu  waynayd  ee  musuq  maasuq  ee  ay  ku  kacaan  saraakiisha  iyo  jananada  ciidanka  qaraka  isaga  dambeeyay  iyo  dawlada  hoose  ee  degmada  berbara  dhulkaas  oo  ay  ka  baahan  yihiin   shacabkii  soomaaliland  iyo  ciidankii qaranka  ee  hadh  iyo  habeen  gaadhka  ka  hayay  dhakhtarka  ciidanka  iyo  dhulkiisaas  danta guud  ahba,  waxaa  halkan  ku  cad  sawirka  jaangoynta  sida  uu   yahay  dhulka  danta  guud  ee dhakhtarka  ciidanka  ee  ay  musuq  maasuqeen  jananada  ciidanka  qaranka  iyo  dawlada  hoose  ee  degmada berbera  iyo   dhulka  ay  qaateen  ee  ay  sifaha  sharci  darada  ah  ku  lunsadeen   saraakiishaasi,,

 

 

 

G/dhexe  Faarax  Maxamed ((Faarax  Faqash)) oo ah sarkaalkii  ugu  horeeyay  ee  xukuma  ciidanka  qaranka  ee  degan  dhakhtarka ciidanka  iyo  aagiisa  ee  gobolka  saaxil  oo  ogaaday  musuq maasuqa  dhulkaas  la  lunsaday  oo  wax  ka  waydiiyay  Kornayl  Cabdi  C/laahi  oo ah  dilaalka  dawlada  hoose  iyo  jananka  u  sahlay  lunsiga  dhulkaas  waxa  uu  si  deg  deg ah uga dacweeyay  jananka  ciidanka  Janaraal  Nuux  Taani,  waxaayna  sababtayy  in isla  maanta  lagu  xidho  kornaylkaas  taliska  ciidanka  qaranka   loona  xidhay  sidaad  u  dabo gashaa  dhulka  ciidanka  ee  aanu  boobayno  ee  aanu  ka  lunsanayno  ciidankii  xaqa  u  lahaa  waxaanu  hada  ku  xidhan  yahay  xeradaas, isaga  oo  diiday  in  uu  wax  ka  lunsado  dhulkaas  qaranka  ee  uu mudada  badan  u  ilaalinyay  qarankiisa, sarkaalkan oo  ah  beesha  bariga  burco. Ayan kali ku ahayn balse  cidaan badan oo didan in la boobo dhulka danta guud oo ayaa  qaylo dhaan ka soo  saaray  magaalooyinka   Hargeysa iyo Berbera iyo burcaba    go’aana ku gadhay inay baaq u diran madaxweynekuxigeenka Somaliland isla markaana ah kusimaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici inu wax ka qabto dhulka la boobay .Sarkalka Farax Maxamed Axmed Deg Deg loo soo Daayo .hadi kale anan aqbali doonin darjooyinka loo isticmaalayo hab qabil .cidanku ku noqon doono wakhtiigi 1991, laguna  boobayo  hantida  qaranka jsl.

halkan ka akhriista warqada jangooyada dhulka sidu yahay

 

 

Suxufi Muxuyadiin Cali jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here