Isgarabsiga Qoorweynta Murashax Cabdiraxmaan Cirro Iyo Kala Qaybsananta Ardaaga Subeer AWAL Oo Noqdey Kaaf Iyo Kala Dheeri

0
566

Murashax Muuse Biixi Oo Isku Keenila Ardaagiisa Iyo Murashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Xambaartay Beeshiisa

Muuqaal Fasiraya Kala Fogaanshaha Qasri Doonka Iyo Banfadhiga Subeer AWAL Ee Ka Xadhko Xidhay Jibada KULMIYE

Murashaxiinta labada xisbi ee KULMIYE Iyo WADDANI is garabsiga qoorwenta murashax cabdiraxmaan cirro iyo kala qaybsanaanta qoorweynta iyo siyaasiyiinta murashax muusa Biixi kaaf iyo kala dheeri, murashaxiintan xifiiltanka siyaasaded ka dhaxeeyo oo loolan adag ugu jira inuu midba dhankiisa noqdo madaxweynaha ku guuleysta doorashada madaxtooyada ee doorashada soo socota. Murashaxa xisbi mucaaradka WADDANI cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) wuxuu garab iyo gaashaan siyaasadeed ka helayaa siyaasiyin iyo badi qoorweynta beesha uu ka soo jeedo kuwaas oo ka mideysan inay dhisaan murashaxooda si ay ugu soo baxaan madaxtooyada dalka oo ah kursiga qaranka Somaliland ugu sareeya xubnahan taabacsan hoaaminta cirro eek u abtirsada ardaagiisa ayaa ubadan badi siyaasiyiinta beeshiisa ah iyagoona si daacad ah ugu adeegaya inay gaasiiyaan in murashax cirro noqdo madaxweynaha Somaliland kuwaas ooh ab fooladeyn ah uga ciyaara masraxa siyaasada waxaana ka mid ah siyaasiyiintaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumada madaxweyne siilaanyo maxamed nur caraale (DUUR) Siyaasi siciid sulub Ex Wasiirkii hore wasaarada Hawlaha Guud Cahdihii Xukuumadii Riyaale, Xildhibaan Waabeeye Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha Ugu Cad-cad golaha wakiilada Somaliland siyaasi daamur,Fadal Xoghayaha Arrimaha Dibada, dhanka madaxdhaqameedka waxaa garab u ah dhamaan siyaasiyiinta ay abtirsiin ahaan wadaagaan ama qoorweynta u ah waxaa ka mid ah suldaanka guud ee beesha uu ka soo jeedo guddoomiye cirro  suldaan Maxamed Xirsi Qani Iyo Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar kuwaas oo ah qoorweynta beesha habaryoonis ee talada ardaaga gacanta ku haysa waxaana dhamaantood ka mideysan yihiin  in murashax Cabdiraxmaan Cirro Qabto Kursiga ugu Sareeya ee qasriga Madaxtooyada dalka. Murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabd ayaa ah murashax aan gacanta ku hayn qoorweyntiisa iyo siyaasiyiinta ku abtirsada beelweynta Subeer Awal waxaana ka soo horjeeda siyaasiyiin  miisaan culus leh kuwaas oo iyagu xisbiyada mucaaradka ku jira halka kuwo kale yihiin banfadhi oo ay moorada siyaasada  bananka ka ciyaaraan  waxaana lagu macneeyey ad-adaga murashax muuse biixi waxaana lagu tilmaama hogaamiye aan dabacsanayn isla markaana aan dadkiisa wadan, xubnahan ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Siciid Sulub, Xildhibaan Qabile, Faadumo Siciid, Siyaasi Xamarji dhamaantoodna ka mid ah xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Dhanka qoorweynta ayaa waxaa ka maqan Suldaank Guud Ee Subeeriya suldaan xasan, mujaahid dhagaweyne, siyaasi maxamed Xaashi cilmi, dhamaantoodna ku abtirsada beesha subeer awal waana mid muujinaysa sida murashaxa xisbiga KUMIYE Muuse Biixi Cabdi aanu uwadan beeshiisa waxaana muuqata inay ku kala qaybsan yihiin in ay dalka hogaamiyaan Oo madaxweyne ka noqdaan. Hadaba hiilka labada murashax ayaa lagu macneeyey kaaf iyo kala dheeri ka dib markii diiradda la saaray sida labada beelood ee Murashaxiintu ula kala safteen.

Xigaasho”Wargeyska SahanGUDDOOMIYAHA-XISBIGA-KULMIYE-MUSHARRAX-MUUSE-BIIXI-CABDI-2017

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here