Kaaha Muddo Kordhinta Oo Seexanwaa Ku Ridey Murashaxiinta Xisbiyada Iyo Xildhibaanada Guurtida Oo Isla Meeldhigay Muddo Kordhin Kaabiga Saaran

0
586

CaptureGo,aanka Guurtida Oo Laf-dhuun gashay ku Noqdey Murashaxiinta Iyo Xulufada Doorasha Doonka Oo Niyad Jab La Dhutinaya

Gudoomiyaha golaha guurtida Iyo xildhibaanada golaha ayaa kulan ay isugu yimaadeen ayaa kaga Arinsaday mudada ugu macquulsan ee ay U Kordhin Karaan Xukuumada Iyo golayaasha cimrigooda Gabaabsiga yahay iyagoona diirada saaray inan lagu beegin wakhti abaared kale waxaana dood lagu kala aragti duwan yahay laga galay inta ay noqon karto mudo kordhinta la samaynayo iyadoo xildhibaanada golaha guurtidu isku maan dhaafay aragtiyahooda isdiidan ee lagu cabirayo kororsiimaha xukuumada iyo golayaasha, guddoomiye saleebaan maxamuud aadan ayaa mudanayaasha guurtida usoo jeediyey in hawl culus hortaalo loona baahan yahay in mayal adki loagu dhaafo maadaama ay waajib dastuuriya tahay hawsha utaalaa isla markaana ay tahay inay shaqadooda qabsadaan maadaama aaney suurta gal ahayn xiliga xisbiyada qaranka iyo komishanku uqoon deeyeen in doorasho dalka ka dhacdo maadaama xili abaareed aad u dag dalku galay kaas oo sabab unoqdey in dadku ka hayaamaan deegaanadii ay deganaayeen markii hore si ay nafahooda  usamata bixiyaan taas oo aan wali deegaanada qaar haawanayaan suurtagalna ahayn in doorasho xiligaa ku dhaco. Go,aanka guddoomiyaha iyo xildhibaanada golaha guurtida ayaa ilo xogogaala oo wargeyska SAHAN helayo tibaaxayaan in ay ka mideysan yihiin in ay kordhiyaan sanad iyo sideed bilood taas oo ay sheegeen in ay xal u tahay kasoo kabashada abaarta baahsan ee dalka dariska la noqotay. Talaabadan guurtida ayaa noqotay mid seexan waa ku ridey murashaxiinta saddexda xisbiga qaran kuwaas oo ka walaacsan mudada loo kordhiyey cimriga xukuumada iyo golayaasa waxaanay qorshaha guurtidu wiiqdey rajadii qasri doonka kuwaas oo maanka ku hayey in ay si fudud doorasho ku dhacdo iyagoo ilduufay maantida ku leeday abaarta, waxaana bilaabmay kulamo hoose oo labada murashax ee Xisbiyada KULMIYE iy WADDANI mid ba dhankiisa uu saraakiisha xisbigiisa la yeelanayo si ay dab-damis uga noqdaan go,aanka guurtidu ku cayimayso muddo kordhin ka soo horjeeda midii qorshaha ugu jirtay waxaaney dalbanayaan in xildhibaanada gooni-gooni ula shiraan kuna wacdiyaan in ay ka fiirsadaan muddo kordhinta ay wadaan. Balse waxaa loo dheg taagayaa kulanka arbacada iyo go,aanka xildhibaanadu ka qaataan xiisada muddo kordhinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here