Maxaad Ka Taqaana Qaban Qaabiyeyaasha Mudaharaadka Qaran Dumiska ah ee Ay Soomaaliya Dabada ka riixayso, Xisbiga Waddani uu Adeegaha ka yahay.

0
668

Xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxa uu ku baaqay 3da bisha March in ay isugu soo baxaan Xarunta saxaafada imaaraadku ku leeyahay Uk, hadaba wax badan ka ogow qaban qaabiyeyaasha halka ay ka soo jeedaan iyo cida dabada ka riixaysaba.

Mudaharaadkaasi ay iclaamiyeen waxa abaabalaya xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland jifo hoosena ay yihiin Gudoomiye Cirro, waxaana ugu horeeya hibo marso oo ah Beesha Muuse Cabdalle Gudoomiye Cirrona ay ilaamdeer labaad yihiin, waxaanay gacan saar ama wada shaqayn buuxda wada leeyihin Foosiya Xaaji Aadan waxaanay NGO ku wada leeyihiin Soomaaliya sidoo kale qaban qaabiyeyaasha ka muuqda sawiradani waxay u bahan yihiin jifada hoose ee cirro, taasina waxay ina tusaysaa karaamo dhaca iyo qabyaalada qaawan ee uu saaxada siyaasada la soo galay gudoomiye cirro.

Wax hubaal ah oon shaki ku jirin in mudahaaradkani aanu ahayn mid xisbiga waddani keli ku yahay hasayeeshe waxa marba marka ka danbaysa soo baxaya warar xaqiiqada ku salaysan oo iftiiminaya in ay lug ku leedahay dawlada taagta daran ee soomaaliya iyo shacbiga Soomaali weynta ah eek u dhaqan Uk, kuwaasi oo qaban qaabo ugu jira inay xoojiyaan dadka tirada yare e muxubada qabiilku qaaday ee doonaya in qarankan lugta loo qabto dad aan jeclayn horumarka dadka iyo dalka.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliye uu u duulay Sucuudiga si ay gacan uga siiyaan in la hor istaaqo saldhiga imaaraadku ka samaysanayo Berbera, taasi oo uu weji gabax kala kulmay balse uu isu rogay in uu adeegsado qaar inaga mida hasa ahaate aan inala dareen iyo qadiyad ahayn inaguna dhex dhuumanaya oo uu hogaamiye u yahay gudoomiyaha waddani Mr Cirro, waana ta soo dedejisay in ay ku dhawaaqaan mudahaar ay ka sameeyaan safaarada Imaaraadka ee UK.

  • Ma kula tahay muwaadin in aynu u guntano difaaca qadiyadeena madaxbanaanida Somaliland ee aynu soo dhacsanay 1991kii?
  • Ma kula tahay Muwaadin inaad muujiso taageeradaada horumarka qarankan si aynu uga hoos baxno kuwa ku xanuusanaya talaabooyinka qaranimadeena waxtarka u leh.
  • Ma kula tahay muwaadin in aad ka gilgelato aafada qabyaada ood u gudubto qaranimo adigoo adeegsanaya wixii danta ummaddu ku jirto ta dalkuna ku horumari karto
  • Ma kula tahay muwaadin in aad ilgaara ku eegto kuwa inoo soo xidhay shaadhka xisbinimo balse hoosta ay ka riixayaan kuwo aan qarankan jeclayn horumarkiisa iyo jiritaankiisaba.
  • Muwaadin waa lagama maarmaan inaad dareenkaaga muwaadinimo ugu hiiliso jiritaanka qarankeena
  • Muwaadin waa inaad barbar istaagtaa  masuuliyiintaada hogaanka u haya qarankan iyo horumarkisa ee ay wala-weynta iyo khaayimiinta u adeega ay doonayaan inay ku mudaharaadaan.
  • Ugu danbayn waxa aan baaq u dirayaa aniga oo xogogaal u ah waxa ka socda Uk shacbiga ay dhabta ka tahay qadiyada Somaliland eek u sugan Uk inay iyaguna ku dedaalaan sidii ay u muujin lahaayeen rabitaankooda muwaadinimo beesha caalamkana ay tusaan in kuwa mudahaaradayaa aanay ahayn dhaladkii Somaliland balse ay yihiin kuwo loo soo xidhay shaadhka Somaliland hoostana ay kuwada sitaan Surwaal Soomaali weyna.wadani uk

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Umulkhayr yaasin Xasan

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here