War Deg dega: Cali Khaliif, Baashe Maxamed Cadde, Xildhibaano Ka Soo Kala Jeeda Khaatumo Iyo Somaliland Iyo Cuqaashii Degaanka Oo Shir Degdeg Ah Ku Kulansan

0
674

Burco*QoryaaleNews*Wararka naga soo gaadhaya degaanka Xidhxidh ee Koofurta Gobolka Sool ayaa sheegaya inay halkaasi maanta shir uga bilaabmay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ay weheliyaan xildhibaano iyo waxgarad kale oo la shaqeeya maamulkaasi oo dhinac ah iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Cadde, oo ay weheliyaan Xildhabaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan ee Somaliland iyo Siyaasiyiin caan ka ah Somaliland kana soo jeeda degaankaas Koofurta Degmada Laascaanood.

Siyaasiyiinta ka socota dhanka Somaliland waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Axmed DhakoolXildhibaan Cawil Cabdilaahi Caydiid iyo Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Somaliland, Mudane Axmed xasan [Casoowe].

Dhanka Khaatumo xubnaha fadhigan ku wehelinayey Madaxweynaha waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Cali hayaan iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Yaasiin.

Sidoo kale waxaa goob joog ah labaataneeyo madaxdhaqameed iyo waxgarad kale ah oo ay kaIMG-20170227-WA0002 mid yihiin Jiif Caaqil Cabdikariim Dhookir, Caaqil Cali Xirsi Cawl, Caaqil Xuseen Axmed Cismaan iyo Caaqil Daahir Maxamed Cumar iyo waxgarad kale.

Shirkan oo aan ilaa hadda wax war ah oo rasmi ah aan laga soo saarin ayaa dad dhegadhegeeyey u sheegeen laascaanood.com inuu ku saabsanyahay is laab xaadhasho beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo iyo siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ee ay kala fikirka ahaayeen muddo dheer.  Dhanka kale, waxaa la sheegay inay si weyn u giorfayn doonaan nabadaaynta degaanada Koofurta Laascaanood oo la sheegay inay noqon doonto ajandahooda xubinta ugu weyn.

 

Muhiim – Daawo, Akhriso: Warmurtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Xidhxidh Ee Cali Khaliif Iyo Somaliland

WARMYRTIYEED: SHIRKA XIDHXIDH

Waxaa magaalada Xidhxidh ee gobolka Sool maanta oo taaiikhdu tahay 27  February, 2017  shir isugu yimi madax ka kala socota Maamulka Khatumo iyo Golayaasha Somaliland.  Shirkaas oo bilow u ah sidii  loo midayn lahaa hoggaanka siyaasadeed ee dadka deggan Gobollada Sool, Sanag iyo Cayn ee ka kala tirsan dawladda Somaliland, Khaatumo, Puntland iyo Dawladda Federaalka si meel looga wada abbaaro danaha iyo dhibaatooyinka ka jira degaanka iyo dadka ku nool gobolladaas. Gebagebadii shirku:
  1. Wuxuu ugu baaqay  Somaliland iyo  Khaatumo inay ka qaataan dowrka kaga aadan meel marinta nabadii labada beelood ee Bahararsame  iyo Khayr Cabdi ku heshiiyeen.
  2. Waxaa labada beelood ee ehelka iyo walaalaha ah loogu baaqay xoojinta nabadda iyo ilaalinta xasiloonida degaanka iyagoo laga codsaday inay tixgliyaan xaaladaha adag ee abaareed ee dadku ku jiraan xilligan.

Allaa Mahad Leh

GOOBJOOG:
Madaxweynaha maamulka Khaatumo , Cali Khaliif Galaydh
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax
Xildhibaan Maxamed Axmed Dakool
Xildhibaan Cawil Cabdillaahi Caydiid
Xildhibaan Maxamuud Axmed Yaasiin
Xildhibaan Maxamed Cali Hayaan
Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland, Axmed Xasan Cali [Casoowe]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here