TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN Somaliland Ahna kusimaha Madaxweynaha JSL

0
813

INAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo aabihii  Jaamac Cali Guuleed uu ku geeriyooday 01/03/2017 magaalada hargeysa. sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

  

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)maaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here