Tacsii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,Ahna Musharaxa Madaxweyne Muse Bixi Cabdi

0
813

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

02 March 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo safar dibadeed ku maqan, sidoo kalena ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda suugaanta iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay oo taariikhdu ahayd 01/03/2017.

Marxuum Maxamed Faarax Xirsi waxa uu ahaa fannaan caan ah la jeclaa, isla markaana ahaa xeel dheere dhinaca laxanka ah, isaga oo ahaa addoon afgaaban oo wanaag mooyee dhib dadka u gaysan.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamed Cali Dareyse oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa shalay oo ay taariikhdu tahay 01/03/2017.

Marxuum Dr. Maxamed Cali Dareyse waxa uu ahaa dhakhtar aqoonyahan bartay cilmiga caafimaadka dadka, gaar ahan xannuunada Wadnaha, sidoo kalena waxa uu bartay culuun kale oo ay ka mid yihiin arrimaha dhirta, macdanta iyo cilmiga raad-raaca taariikhda Soomaalida.

Guddoomiyuhu waxa uu labada Marxuum Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

muse-bixiXafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here