Somaliland & Imaaraadka Carabta oo la saadaalinayo inay heshiis rasmi ah berri kala saxeexdaan iyo waxuu ku saabsan yahay.

0
517

Dubai-(QYNEMARAT)- Raysal-wasaaraha wadanka Imaaraadka Carabta  Sheekh Maxamed bin Rashiid ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyey raashin mucaawino loo diro Somaliland, xilli adaxaajood maalmahii u dambeeyey u dhexeeyey Wefdi ka socda xukuumada Somaliland iyo madax ka tirsan xukuumada Imaaraadka Carabta ayaa la saadaalinayaa in la soo gebagebeeyo maalinta berri ee Isniinta.

Sida ilo xog-ogaal u xaqiijiyeen shabakada Somalilandspan, wadaxaajoodka u dhexeeyey masuuliyiinta Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo si wanaagsan iskula qaateen qodobaduu ku saabsanaa, ayaa la filayaa in maalinta berri Isniinta ku kala saxeexdaan heshiiskii u dambeeyey.

Inkastoo weli aanu jirin tafaasiil dheeraad ah oo laga hayo ujeedada wada xaajoodka madaxda Somaliland iyo Imaaraadka carabta uga socda magaalada Dubai, iyo noocyada heshiisyada loo ballansan yahay saxeexooda berri, ayaa dhinaca kale, loo badinayaa inuu ugu horeeyo heshiis dawladda Imaaraadka carabtu kaga samaysanayaan saldhig milateri magaalo xeebeeda Berbera, inkastoo iskaashi labada wadan ka yeelanayaan dhinacyo kala duwan sida caafimaadka, waxbarashada, beeraha, biyaha la saadaalinayo in heshiisyo ku saabsan ku jiraan.

Dhinaca kale, Markab sida raashin xaddigeedu yahay shan kun oo Ton, isla markaana ah  mucaawinno loogu tallo-galay dadka abaarahu tabaaleeyeen ee gobolada Somaliland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo gaadho dekeda Berbera.

Markabkan  dalka Imaaraadka Carabtu u soo dirayo Somaliland oo la sheegay inuu amarkiisa uu bixiyey Sheekh Maxamed bin Rashid al Maktoum, Raysal-wasaaraha, ahna Amiirka Dubai ayaa la filayaa inuu kaalin weyn ka qaato dedaalada xukuumada iyo shacabka Somaliland guddo iyo dibed ugu jiraan taakulaynta dadka abaarahu saameeyeen ee dalka.

Xukuumadaha Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo xidhiidho iskaashi dhow dhexmarayey sannadahii u dambeeyey, isla markaana hore heshiisyo dhinacyo kala duwan u dhexmaray, ugu muhiimsanaa casriyeynta dekeda Berbera, ayaa dhinaca kale, khubarada ka faalooda siyaasadaha caalamku ku sheegeen inuu tilmaamayo madaxbanaani Somaliland haysato, maadama heshiisyada noocan oo kale dhexmari karo laba wadan oo aqoonsi buuxda haysta.

2 Attachments

Displaying kmn.jpg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here