Dareen Noocee Ah Ayay Saddexda Xisbi Qaran Ka Bixiyeen Natiijada Codbixinta Iyo Xiliga La Bilaabayo Kaadhadhka Codeynta.

0
670

xisbiyada

Hargeysa (QoryaaleNews) Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaranka ee Somaliland ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey,ku dhawaaqistii ay guddiga doorashooyinka qaranka somaliland ku dhawaaqeen tirada  dadka codbixiyayaasha ee iska diwaangeliyay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

Masuuliyiinta Xisbiyada qaranka oo goob joog ka ahaa markii ay komishanku ku dhawaqayeen tirada codbixiyayaasha ayaa  ka haddlay sida ay u arkaan tirada dadka iska diwaangaliyey dalka iyo waliba shaqada ay qaranka u hayaan gudiga komishanka qaranku,iyaga oo ugu hambalyeeyey shaqadooda isla markaana alle uga baryey inuu u fududeeyo hawlaha ay qaranka u hayaan.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka haddlay Siyaasi Cabdnaasir Qodax oo ku haddlayey afka Xisbiga mucaaradka ah ee UCID waxaana uu yidhi sida tan. “Aad iyo aad ayaan komishanka ugu mahadnaqaynaa diyaar garowga fiican  waanan ku hambalayeynayaa, waxaan ku guubaabinaynaa hawshaa baaxada leh ee ku sooo food leh inuu illahay la qabto”Ayuu yidhi Cabdinaasir Qodax Dhanka kalena waxa isna halkaasi ka haddlay Xasan Gafaadhi oo ah afhayeenka Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, waxaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan;-“Waxaan ku hambaylyeynayaa guddida doorashooyinka qaranka  jadwalkan quruxda badan ee ay soo jeediyeen ee iskugu jira kaadh qaybinta  kuna siman ilaa iyo muddda maalinta ay doorashadu dhacayso, shaqo weyn ayaa dhacday waxaan illaahay  ka rajaynaynaa inuu sida uu qorshu yahay ay u dhacdo.”Ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi

Ugu Dambayntii waxa isna halkaasi ka haddlay Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde , Isagoo soo dhaweeyey dhawaqa ka soo yeedhay Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland waxaana uu yidhi “Doorashooyinkii iyo diiwaangelintii iyo wakhtigoodii  ay komishanku cayimeen, in kastoo ay horeba u cayimeen, maanta waxaan rajaynayaa in ay tani noqoto tii runta ahayd ee lagu shaqaynayey.”Ayuu yidhi Xoghayaha Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cade.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here