Xildhibaan Saleeban Cali Koore Oo Shacabka Gobolka Buhoodle U Iftiimiyay Hadal Uu Madaxweynaha Hortiisa Ka Jeediyay Oo Si Khaldan Loo Turmujey.

0
612

Xildhibaan Saleeban Cali Koore Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka jawaabey warar warbaahinta ay baahisey oo sheegaya inu ku taliyay in ciidamo ka geeyo magaalada buhoodle.

“waxan rabaa inaan halkan ka cadeeyo hadal aan maalin dhaweyd ka yidhi burco oo dadbadan oo Somaliland caqabad ku ah ay si khaldan u turjumeen, markaa madaxweynaha waxaanu ka codsaney inuu si siyaasi ah oo la garan karo oo loo wada oo arintaa lagu dhex galo, dadbaa waxay u rogeen xildhibaan saleeban cali koore wuxuu yidhi ha laweeraro, xashaa li’laah ma odhan karo mana odhan doono, afkeygana maaha af aan aqaanana maaha, dadka sharafta iyo karaamada leh waxaan leeyahey hadalkaasi waa hadal been abuur ah oo ay sameeyeen niman aan ubixiyay niman kubada aad ugu bartay labada guri dhexdooda, goolashana halkan (Somaliland ) ka dhalin yaqaana ayaa hadaladaa iga turjumaaya”ayuu yidhi Xildhibaan Saleeban Cali Koore

Xildhibaan Koore oo hadalkiisa siiwata ayaa intaa ku ladhey”hadafkeyga maaha, dhaqankeygana maaha inaan yidhaahdo cid halala dagaalamo oo ha la weeraro, waayo wakhtigaa sheegaya, waxad halkaas ka aragtaan sidaan uga xumaadey waayo dacaayado badanbaa la sameeyaa, kama hadlo kamana jawaabo laakin tan waxan uga jawaabayaa waa arin khalad ah oo aniga iyo bulsho dhan la rabo in laysku kayo dhufto”ayuu hadalkiisa ku sheegay Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo warbaahinta shalay kula Hadley hargeysa.x koore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here