Wasiiru-dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Ka Hadley In Khilaaf Ka Dhexqarxey Isaga Iyo Wasiir Cakuse.

0
695

Cabdirashiid Riyaraac Oo Xisbiga WADDANI Usoo Jeediyay Iney Wakhtigooda Sugaan Oo Aney Ka Hor Imaan Horumarka Dalka

 

wasirudawlaha cabdirashid riyorac

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyaraac) ayaa markii ugu horeysay beeniyay warar sheegay in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cakuse.

“warkaa waxba kama jiraan runtii, aniga iyo wasiirkuna isma hayno wax khilaaf ah oo wasaarada ka jira ma jiraan markaa waa been abuur, ka warbaahinta lagu qoreyna waan ognahey, Dhalinyaro wasaarada ka agdhow dhow ama dhakhaatirta xoolaha ahbaa warkaa bixisey anaga iyo wasiirkana waxay nagu edeynayaan wax aanan shaqo ku laheyn, talaalka iyo dawooyinka marka la diraayo waaxda caafimaadka iyo cidbaa iska leh hawshaas markaa been abuur ayaa la sameynayaa, warkani waa been aan sal iyo raad toona laheyn wax khilaaf ah oo aniga iyo wasiirka naga dhaxeeyaa ma jiraan”ayuu yidhi Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyaraac) Wasiiru-dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland oo ka hadlaayay khilaaf la sheegay inuu kala irdheeyay isaga iyo wasiir Cakuse

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale soo hadal qaadey shaqada wasaaradiisa iyo arrimaha la xidhiidha xoolaha”Arintii xooluhu waa dhawdhawdahey waana fiican tahey, manta(shalay) waxaanu fiise usoo saarney nin mareykan ah oo dhakhtar xoolaad ah khamiistana waxaa imaanaya laba dhakhtar oo sucuudiyiin ah Intuba waxay u imaanayaan Iney  Macjarada maraan oo xoolaha egaan oo ay warbixin rasmi ah ka sameeyaan xoolaheenuna ma bukaan ee boqolkiiba boqol way caafimaad qabaan, markaa makhraatiyadaas uunbaan ka rabney makhraatiyadii FOW Iyo Haa’yaduhuna Soo Qoreena waan haysanaa waxan rajeyneynaa dhakhtaradaa ka dib in xooluhu furmaan”ayuu Yidhi Wasiir Riyaraac

Ugu Danbeyna yidhi Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyaraac) waxaa uu xisbiga Mucaaradka ah ee wadani ku edeeyay iney horumarka dalka kasoo horjedaan”WADDANI waxan odhan lahaa jaaniska laydinka horee dee xisbiga KULMIYE iyo xukumaddani iyadaa keentay in la gaadho horumarka in hawshaasi ay wakhtigeedii suurto gasho laakin wadanku waa banan yahey, waxaa weeye hadii aad xilka qabataan kun wax oo aad qabataan ayaad heleysaan oo wadankani ubaahan yahey haka warwarina inaad waxad kusoo baxdaan waydaan ee waxan leeyahey manta daaya horumarka soo kordhey oo jabaqda ka daaya, hadii xukunka laydiin qorey oo aad timaadaan waad helaysan wax badan oo aad qabataan”ayuu hadalkiisa kusoo xidhey Wasiiru-dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyaraac)

Xigasho”Wargeysa Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here