Chelsea Oo Ku Ciriirineysa Manchester United Awooda Ay Ku Leedahay Caalamka? Blues Oo Wadamo Badan Ku Yeelatay Jamaahiirtii Ugu Badneyd

0
782

Marka laga soo tago inay u sharaxan yihiin hanashada koobka Premier League – Chelsea ayaa haatan bilaabeysa inay ku ciriiriso Manchester United awooda ay ku leedahay caalamka.

Baaris ay sameysay Going Global oo ku saabsan warbixino ay ka uruuriyeen Facebook ayaa muujinaya inuu sii kordhayo tirada taageerayaasha ay Chelsea ku leedahay wadamo ka baxsan UK.

United ayaa weli ah kooxda ugu caansan dunida, laakiin guulaha Chelsea ee garoonka dhexdiisa iyo ciyaartoyda kala duwan ee ay ka keensadeen dunida dacaladeeda tan iyo markii uu Roman Abramovich iibsaday kooxda ayaa soo jiitay taageerayaal badan.

Inkastoo uu Jose Mourinho ka tagay Stamford Bridge markii labaad, Portugal ayaa ah wadanka ay ku sugan yihiin taageerayaasha ugu badan ee Chelsea, waana in ka sareeya boqolkiiba 275 celceliska taageerayaasha caalamka.

Mourinho ayaa soo iibiyay Ricardo Carvalho, Deco iyo Paulo Ferreira markii ugu horeysay ee uu macalin ka noqday Blues, waxaana weli xiriirka kala dhaxeeya Portugal kooxda Chelsea uu yahay mid adag.

Imaanshiyaha Antonio Conte ee galbeedka London ayaa sidoo kale sarre u qaaday caanimada Chelsea ee dalka Talyaaniga, inkastoo ay wadada u sii xaareen Gianfranco Zola, Gianluca Vialli, Roberto di Matteo, Claudio Ranieri iyo Carlo Ancelotti.

Saameynta weyn ee uu Didier Drogba ku yeeshay Stamford Bridge ayaa keentay inay sarre u kacdo taageerayaasha ay Blues ku leedahay qaarada Afrika iyadoo ay caawiyeen Michael Essien, John Obi Mikel iyo Samuel Eto;o, halka Eden Hazard iyo Thibaut Courtois ay ka caawiyeen inay sarre u kacdo caanimadooda dalka Belgium.

Liverpool ayaa sidoo kale ku ciriirineysa awooda United ee wadamada qaar, iyagoo taageerayaasha ugu badan ku leh Uruguay, Denmark iyo Finland.

Luis Suarez ayaa gacan weyn ka geystay in Reds ay taageerayaasha ugu badan ku yeelato Uruguay, waana in ka badan boqolkiiba 600 celceliska taageerayaasha ay ku leeyihiin caalamka.

Sidoo kale waxa ay caan ka yihiin Denmark iyadoo in ka yar 10 xiddig oo Denmark ah ay ka ciyaareen Anfiled oo ku jiraan Jan Molby iyo Daniel Agger.

Sami Hyypia ayaa ahaa wadnaha daafaca dhexe ee Liverpool muddo 10 sannadood ah isagoo saftay in ka badan 300 kulan, waxaana uu ka caawiyay in Reds ay noqoto kooxda ugu caansan Finland.chelse m

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here