Waxyeelada Caafimaad Ee Isticmaalka Badan Ee Computer-ku Leeyahay

0
636

Sida aynu wada ognahay computer-ku waa aalad waqtiyadan dambe ee casriga ah ka mid noqotay daruuriyaatka nolosha, isla markaana shaqooyin badan u fududaysay aadamaha, sidaa si la mid ah waxay leedahay saamayn taban oo la xidhiidha caafimaadka qofka. dhiga ama isticmaalka waqtiga dheer ee muraayada computer-ka ayaa sababta khataro badan oo caafimaad. Waxyeelada Indhaha:

  • Marka uu qofku uu hurdada ka kaco, waxa indhihiisa lagu arkaa oo ka muuqda casaan, sidoo kale wuxuu qofku dareemaa xumad.
  • Sidoo kale indhaha ayaa laga dareemaa xumad ama xanuun marka loo baxo iftiinka cadceedda.
  • Wuxuu saameeyaa wax akhriska bugaagta.
  • Xamil la’aan uu qofku xamili waayo iftiinka laydhka ee guriga dhexdiisa iyo xanuun uu ka dareemo indhaha.
    Waxyeelada Maskaxda:
  • Madax xanuun hurdada ka hor iyo ka dibba.
  • Xusuus la’aan, si dhib yar waxba qofku kuma xusuusan karo.
  • Isku buuq iyo cadho uu qofku dareemo maalintii oo dhan.
    Waxyeelooyinka kale:
  • Qofka oo cunto cuna saddex jeer maalintii, isla markaana dul-fadhiya computer-ka waxay sababtaa caajis.
  • Waxay qofka ku samaysaa culeys xad-dhaaf ah, isla markaana waxa luma qaab-dhismeedka jidhka qofka.

 campuyutar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here