Murashaxii Gacan Ku Rimiska Ahaa Ee Xisbiga WADDANI Oo Kala Fadilay Beelaha Somaliland Iyo Takoorka Uu Ku Kacay Oo Guux Abuuray

0
626

m wadaniMurashaxii Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga WADDANI Oo Ku Olaleynaya Dhawaaq Qabiil

“Habar Awal Ciise Muuse Uun Ka Qaado Hooyadeybaa Odhan Jirtay ” Murashax Dr, Maxamed Aw Cabdi

Madaxweyne ku xigeenkii  gacan ku rimiska ahaa ee Xisbiga WADDANI Dr Maxamed Aw Cali Badi ayaa takooray beelaha Somaliland gaar ahaana beesha Subeer AWAL  kaas oo qaadey talaabo dhankiisa uga muuqatay inuu codka beesha Ciise Muuse ku xod-xodanayo inay codkooda siiyaan xisbiga uu ku abtirsado ee WADDANI balse dadku saluug iyo diidmo xoogan ka muujiyey dhawaaqa ka soo jeedhay murashaxa cod-doonka ah,

Dr, Maxamed oo khudbad ka jeediyey madal ay ku sugnaayeen bulshoweyn reer Somaliland ah ayaa sheegay luuq afkala qaad ku noqotay bulshadii uu horfadhiyey wuxuuna yidhi” “Habar Awal Ciise Muuse uun ka qaado hooyadeybaa odhan jirtay “

waxaa sidaa yidhi xisbiga WADDANI waxuuna takoorkii ugu xumaa kula kacay beelaha somaliland gaar ahaana beesha sacad muuse talaabadan ayaa noqonaysa mid xisbiga mucaaradka ah ee murashaxa ka yahay ay codku waayaan dhawaaqan kala xigtaysiga ah ee dhitooyinka lagu kala dhex dhigay ummadda reer somaliland.  mid ka mid ah dadka deegaanka berbera oo aragtidiisa ku aadan dhawaaqii ka soo yeedhay murashaxa wuxuu yidhi.

 “Waxaan u arkaa ceeb in qof musharax ahi ku hadlo qabiil qaawan isla markaana beelaha kala fadilo isagoo cod ku raadinaya. Waa ayaan daro in xisbi doorasho doonayaa qabiil ku ololeeyo halkii ay ahayd inuu bulshada ka wacyi geliyo qabiilka.” dhawaaqa murashax ayaa ah mid ka cadhaysiiyey beelaha uu kala fadilay waana murashaxii ugu horeeyey ee masrax la soo istaaga kala qaybinta bulshada reer somaliland.

Xigasho”Wargeyska Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here