Mid Ka Mid Ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Somaaliya Oo Ka Dhawaajiyay Hadal Masuuliyiinta Somaliland Ka Mageen.

0
437

Kismaayo(QoryaaleNews)Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ayaa dawladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqay in Somaliland loo fududaydiyo wixii horumar ah, isla markaana waxa uu sheegay in wixii Siyaasad ah ee la isku hayo ama la isku diiddan yahay markay wakhtigeeda gaadho laga heshiin doono, laakiin loo baahan yahay in horumarka lagala shaqeeyo.

Sh. Axmed-Madoobe waxa uu sheegay in aanu doonaynin in Somaliland wixii dhinaca horumarka ah ee Soomaaliya kaga xidhan in la siyaasadeeyo oo loo diido, waxaanu yidhi; “Somaliland wixii siyaasad ah ee aynu isku hayno waa sideeda, laakiin ma doonayo Soomaali wixii kaga xidhan in loo diido.”

“Siyaasada waanu ka heshiinaynaa, waanu wadahadalaynaa, dariiq baanu isu-maraynaa. Laakiin wixii waxtar iyo horumar u ah in la yidhaahdo waxbay sheegteenoo aynu geeska galino.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland Sh. Axmed-Madoobe mar uu arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlayey Warbaahinta Soomaaliya.

Sidoo kale, Axmed-Madoobe wuxuu sheegay in arrimaha la xidhiidha Siyaasadda ay isku diiddan yihiin Soomaaliya iyo Somaliland laga heshiin doono marka la helo Raggeeda, waxaanu yidhi; “Waxaan ka doorbidi lahaa Walaalaheen wixii Soomaalinnimo kaga xidhan, waxaan qabaa dawladda federaalka ha noqoto ama Hay’adaha caalamiga ah ha noqotee in loo fudaydiyo oo aan xaaladda Siyaasadeed iyo horumarinta la isku-xidhin. Siyaasada marka ay joogtana Raggeeda ayey helaysaa oo waa laga heshiin doonaa.”

 axmed madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here