Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari Oo Xukumadda Somaliland Uga Digey Iney Ansixiso Xeerka Baananka Ribada Ah.

0
510

x bukhaariXildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa madaxweyne Silaanyo Iyo Xukumaddiisa usoo jeediyay inaaney ansixin xeerka baananka Gacansiga.

“Magaalada burco markii aan soo galay manta saaxibo badan ayaan ku leeyoo waxan ku idhi maxaa manta burco ugu daran ka warama, horta mashruucaas shidaal baadhista dhamaantood waa soo dhaweeyeen, waxaaney taageeren guddidii gurmadka abaaruhu ushaqeeyaan, laakin laba arrimood ayaan ka cabaneynaa ayay yidhaahdeen, ileen magaaladu waa magaaladii sheikh bashiir kasoo jedee xaga diinta safaad ma gasho, baananka ribada ayaan ilaahey ha codsaneynaa inuu naga qabto ayay yidhaahdeen”ayuu Yidhi Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari

Xildhibaan Bukhaari oo hadalkiisa siiwata ayaa intaa ku ladhey”mudane madaxweyne iyo golaha wasiiradaba madaama oo ay ka cabatay baanankaas ribada ah in la joojiyo”ayuu Hadalkiisa ku soo xidhey Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari

Cuqaasha, Waxgaradka, Salaadinta Iyo Culimo Awdiinta Gobolka togdheer ayaa si cadho leh uga horyimi xeerarka baananka ribowga ah ee xukumadda Somaliland dabada ka riixeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here