Madaxweynaha Somaliland Oo La Sheegay Inuu Amar Ku Bixiyay in Ciidamo Xoogan La Geeyo Goobaha Shidaalka Laga Baadhayo

0
504

MADAXWEYNE-300x206

Warar xog ogaal ah oo Uu Helayo Wargeyska SAHAN kana helayno ilo wareedyo u dhuun daloola madaxtooyada ayaa waxay sheegayaan in fadhigii golaha wasiiradda ee Khamiistii dorraad  lagaga hadlay arrimo khuseeya sahaminta shiidaalka ee laga wado deegaanada gobolada Bariga Somaliland taas oo mashruucaasi qaadatay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

 Waxaana wararku sheegayaan in wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale uu madaxwayne Siilaanyo u gudbiyey fariin ka turjumaysa in ay jiraan masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo xildhibaano uu sheegay in ay dabada ka riixayaan in aan mashruucaasi hirgalin,waxaana uu xusay in shirkada wada mashruucani ay ku goodiyey in ay dalka iskaga baxayso.

Arrinka oo kulankaasi wasiirada ka dhaliyey muran iyo buuq ayaa waxa la sheegay in madaxwayne Siilaanyo amar ku bixiyey in deegaanada laga wado sahaminta shiidaalka la geeyo ciidamo Milateri ah oo awood u isticmaala ciddii kasoo horjeesata hirgalinta mashruucan sahaminta shiidaalka si aanu mar labaad u fashilmin.

Dhinaca kale wasiirka macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa isagu ka gaabiyey kuna fashilay in uu wacyigalin ku saabsan mashruucan u sameeyo bulshooyinka kala duwan ee ku dhaqan deegaanadan laga hirgalinayo sahaminta Shiidalka kuwaas oo aan intooda badani fahansanayn. Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo halka uu sal dhigan doono mashruucan sahaminta Shiidaalka ee laga wado gobolada Bariga Somaliland,waxaana xusid mudan in hadii deegaanadaasi laga wado sahaminta Shiidaalka la geeyo ciidan ay xaaladdu kasii dari doonto iyada oo bulshada deegaanadaasina ay u baahan yihiin wacyigalin lagu fahansiiyo mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here