Damiir nooli u dul qaadan maayo xaalada dalka

0
653
Waxaa is biirsaday xaalado dhawr ah oo maanata mujtamaceena la soo darsay kuwaasi oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaanaysa .waxaa jirra abaaro inagu daba dheeraaday ,sixir barar xadhka goostay oo gaadhay abid halkii ugu saraysay iyo xaalad caafimaad darro oo la soo daris tay dadka ay abaartu hayso ,dhamaan waxaasi oo dhami waa xaalado imtixaan oo loo baahan yahay In samir iyo adkaysi lala yimaado
Haddaba xaaladahaasi aynu laba u kala qaadno waa ta kowaade  sixir bararka dalka dhamaantii saameeyay wuxuu noqday mid saamayn ku yeeshay nolosha dhamaantii iyo xataa quutal daruurigii  taas oo wali xal loo la,yahay waxaanan u malaynayaa in ay ku fashilantay xukuumadii umadan ka masuulka ahayd iyada laga rabaa in ay sal goyso isbedelka sixirka lacagta iyo xataa maciishada iyana waxaa ay ku moogan yihiin danno u gaara ,isna waxaa seexday bangigii somaliland oo meesha u yaala magac cuyaal aan wax dhaqdhaqa aan samaynaynin
Waxaa suuqii qabsaday oo siday doonaan ka yeela ganacsto aan damiir lahayn oo dhiig miirato noqday taasi oo noqday maxaa ka galay dad iyo duunyo iyna waxay noqdeen kuwa aduunyo doona oon akhiradooda aan eegayn
Xaalada labaadna waa abaarta daba dheeratay waa xaalad alle keenay oo loo baahan yahay in dhamaanteen alle u soo noqono .danbi dhaafna aynu alle waydiisano
Xaaladan oo kale markay timaado waa cadho alle markii ay badatay xaaraantii oo la xalaashaday ,xoolihii umada oo la boobayo iyo dulmi iyo cadaalad darro la muujiyay ayaa alle inoogu imtaxaanayaa .walaalayaal dulmiga aynu galnay waxuu saamaynayaa xoolihii iyo mujtmac jilicsan oo miyi ku balan balaya inaguna waxaynu ku maqan nahay xumaan aynu gacmeheena ku samaynayno
Umada cidda hogaaminaysaa oo daacad ah oo xilkas ahi waxay ka qaadataa xaaladahaasi door firfircoon oo muuqda waa in ay noqdaan kuwo dalkeeda ka damqanayaa .khayraadkeeda u damqanaya in xilka iyo masuuliyadeeda ay qabtaan ,madaxdu haday kharibmaan dalka iyo wadankuba way kharibmaan .maanta ta ina haysataana waa madax ilaashanysa kursigiisuun
Shacabku maanta wuxuu u baahan yahay gurmad degdega oo lala soo gaadho allena waxaynu ka baryaynaa in nasri khayr qaba inoo soo diro .raxmaadkiisana inoo shubo waayo alle gacantiisuun ayaynu ku dherggi karnaa ,xaalada sixirbaraka ee ina haysataa waa mid ay masuuliyadeeda ay qaadanayso xukuumada jirtaa iyadaa laga rabaa in ay jaangoyso oo ay hoos u eegto xaalada ay dadkeedu ku sugan yihiin
Askariga qaadanaya 800.000 ku ee sln shiling ah ee laga rabo feega ciyaalka ,cuntadoodii iyo biilka walaahi manta kuma filna waa xaalad aan damiirka nooli aanu u dulqaadan karayn waa xalad dadka laysku eegayo cidii ka hadli lahaydna ama toosin lahaydna ay baqayso ,alle haynaga soo jabiyo abaarta hogaan u naxa dadkana alle ha  fahansiiyo umadana alle nasri khayr qaba haw soo diro maanta dabaq sarre oo aan dhibaatadaba fahansanayn iyo tu liidata oo taxda zero ah ayay umadii u qaybsantee alle haysku soo dhaweeyo cudurada dilaacay ee ka dhashay abaartana alle haynnga dul qaado madaxdana alle ha fahansiiyo xaqa
By abdirizak barre jama hargaisa@somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here