Sarrifka Doolarka Oo Cirka Isku Shareeray Magaaladda Hargaysa Iyo Baanka Dhexe Oo Afka Ka Xidhay

0
670

Sarrifka doolarka magaaladda Hargeysa ayaa maraya halkii ugu sarreysay waxaana lagu sarrifayaa halkii doolar 9200 oo shilin halka gacanta dambe ay ku dhow dahay lacag gaadheysa 10,000 oo shilinka Somaliland.

Shalay ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ay ku waabariisteen mar qudha kor u kaca sii siyaaday ee ku yimid doolarka saamayn xoogan ku leh nolosha bulshadda Somaliland.

Baanka dhexe ayaa ku guuldarreystay in uu wax ka qabto arrinkani waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaasi kor u sii dhaafo maalmaha soo socda.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxwayne Siilaanyo guddi u xilsaaray arrintan lamana garanayo meesha ay ku dambeeyeen gudidani.

Shacabka Somaliland ayaa la daalaa dhacaya qiimaha maciishada oo cirka isku shareertey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here