Top News: Koox Tuug Ah Oo Dubai Hal Daqiiqo In Ka Yar Ku Xaday Dahab 2 Milyan

0
2593

Ciidanka Ammaanka Magaalada Dubai ee Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa gacanta ku dhigey Koox tuugo ah oo Ajanabi ah oo xaday Dahab qiimihiisu dhan yahay laba Millyan oo Dollar.

Ciidanka Magaalada Dubai ayaa ku guuleystey in muddo ka yar 24 saacadood ku soo qabtaan kooxdaasi tuugta ah.

Major-general Cabdulaahi Al-mari ayaa si weyn ugu mahad naqay ciidanka ku guuleystay hawlgalkaasi ee gacanta ku soo dhigay kooxdan tuugta ah oo  adeegsanayay Xirfad aad u heer saraysa, sidoo kalena Khaliil Al-Mansuuri oo hoggaaminyay ciidankan ayaa waxa uu yidhi “Maalintii jimicihii ee aynu soo dhaafnay ayaa goobta la yidhaahdo Mandiqat Naa’if waxa abaaro shantii subaxnimo ka dhacay fal tuugonimo ah oo ay fuliyeen saddex qof oo wejiyadooda soo qariyay, kuwaasi oo jabiyey albaabkii dukaan Dahabka lagu iibiyo, sidaa awgeedna waxay muddo 31 IL-bidhiqsi ah ku guuleysteen inay ku xadaan Dahab qiimihiisu dhan yahay 2 Milyan oo Dollar, intaasi kadibna waxay u baxsadeen meel aan la garanayn”.

Afhayeen u hadlay ciidanka Magaalada dubai ayaa isna waxa uu sheegay in kooxdani ay ka koobnayd haweenay iyo afar rag ah, balse dedaal dheeraad ah oo ay muujiyeen Ciidanka Magaalada Dubai ayey ku xaqiijiyeen taariikhdii ay dadka falkan fuliyay ay soo galeen Dalka Imaaraadka iyo sidoo kale inay dhammaantood ka soo jeedeen dalka China, gaar ahaan Magaalada Hong Kong markii ay muddo shan Maalmood oo kaliya ay joogeen Magaalada Dubai ay ku guuleysteen in waqti ka yar hal daqiiqo ay ku fuliyaan in falkaasi halista ah, balse ay ku fashilmeen inay dahabkaasi ka saaraan Dalka Imaaraadka.

Dhinaca kalena, kooxdan tuugada ah oo adeegsanaya qalab ay siteen ayaa waxay markiiba dhallaaliyeen dahabkii ay xadeen si aan loo garan oo aan loo dareemin inay haystaan wax dahab ah, laakiin waxa lagu dul qabtay iyaga oo ku guda jira hawsha dhallaalinta dahabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here