Gabadhii U Horreysay Ee Askariyad Ah Oo Laga Diley Ciidammada Masar

0
734

Haweenay askariyad aheyd oo la odhan jiray Najwa Cabdilcaliim Maxamuud Al-xajaar  oo ka tirsaneyd Ciidanka Bileyska ee Dalka Masar ayaa shalay ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Kiniisadii Ku taalay Magaalada Alexandria, waxaanay Najwa sidaasi ku noqotay gabadhii ugu horreysay ee laga dillo Haweenka Ciidanka ah ee Dalkaasi Masar.

Najwa ayaa sidoo kale la sheegay inay ka soo jeeday qoys ka hawl galla ciidammada kala duwan ee Dalkaasi, sidoo kalena waxa la sheegay in mid ka mid ah wiilasha ay dhashay uu haatan ku jiro kulliyada tabbabarka Ciidammada, halka wiil ay dhashay oo muddo dhawr sano ka hor uu ku geeriyooday shil gaadhi, Najwa ninkeeda isna waxa uu ka  mid yahay Ciidanka Bileyska, haddaba waxay Najwa ka mid ahayd ciidammadii maalintii axadii ee shalay ilaalinayay alabaabadii ay haweenku ka galayeen Kiniisada, balse qaraxii ka dhacay goobtaasi ayaa sababay inay Najwa ka mid noqoto Dadkii ku geeriyooday goobtaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here