Baylahda Qaar Ka Mid Ah Wasaaraddaha Oo Qoorsatay Iyo Fadhiidnimadooda Oo Shacabka Somaliland Dareemay

0
794

Wasaaradaha Hoos u Dhaca Balaadhan oo ku yimi Shaqadii Ay qaranka u Hayeen, Maxayse Bulshaddu ka tidhi

“Wasaaradda Arrimaha Debeddu waa ta ugu Liidata Maanta Labadii wasiir ee ugu Dambeeyay ayaana Dhulka dhigay Wasaaradaasii….Aqoonyahan Cabdiladiif Xaaji Muuse.

“Wasaaradda Caafimaadka Inan agaasime Waxeed ah ayaa Mar walba Dhex joogta Masuul kale ugu tegi maysid Caafimaadkii dalkana waynu aragnaa..Caasha Yuusuf.

“Waxbarashadu Kama dambayn Wasiir ZamZam Iminka Waxay gacanta u Gashay Rag Tamaashiirtii Iyo Sabuuradii Caruurta Guryo Ka dhisanaya….Hooyo Canab Col ujoog

logada somalilandJanhuuriyadda Somaliland waa Dal Madax Bannaan Isla Markaana halkaa ku soo gaadhay isu Tanaasul is Qancin kala dambayn iyo Wadatashi,wuxuu soo maray marxalado badan oo waayahooda lahaa 26 sanno oo dalkani soo jiray waxa soo maray Afar madaxweyne oo mid kastaa meel ka qaaday meelna soo gaadhsiiyay isla markaana waxaynu ku tilmaami karnaa  Qori isu dhiib ayay Somaliland halkaa ku soo gaadhay,Haddaba wasaaradaha Markiiba jaanta iyo jiibta la helay Somaliland Waxa ka mid ahaa Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada oo la kowsaday dal dhamaan kaabayaashiisii caafimaad waxbarasho burbureen dedaal badan oo xukuumadahaa aynu soo sheegnay Shacabka Xalaasha ah iyo qurba joogu isu geeyeen ayaa suurtageliyay in heerkaa manta ay joogaan la soo gaadhsiiyo.

Haddaba Wakhtiyadan dambe waxa soo baxaya cabashooyin ka imanaya bulshada qaarkeed oo ku saabsan Wasaaradaha Qaarkood oo lagu tilmaamay inay fadhiid noqdeen isla markaana aanay buuxin daboolin xil iska saarin masuuliyiinta joogtaa hawshii uu u xilsaaray Hogaamiyaha Horumarka Hogaamiyaha Halganka Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ooku Suntan Madaxweyne Waxqabad Wasaaradahaa Bulshadu ka cabaaday Waxa ka mida Labada Wasaaradood ee Dhinaca arrimaha Bulshada ugu Muhiimsan Caafimaadka iyo Waxbarashada iyadoo Dadka dhaliiilayaa Sheegeen inaanay joogin dad u qalma ama Masuuliyiin Hogaamin karta wasaaradahaa Aqoontoodii iyo Kartideediina leh Gaar ahaan Wasiiradda,Wasaaradda Caafimaadka ayaa kow ka ah kuwa Farta lagu fiiqay,Haweenay ka mida bulshada reer Somaliland Caasha Yuusuf ayaa Wasaaradda Caafimaadka sidan ku Sifaysay.

“Wasaaradda Caafimaadka Mar kasta Inan Agaasime Waaxeed ah ayaa dhex taagan Masuul kale ugu tegi maysid beryaha qaar Gaalo iyo Muslin waa la buuxay wasaarad dhisan oo shaqo ka socoto ayay ahayd manta inta yare e hay’aduhu bixiyaan samadaa lagu kala goostaa dadkiina waa liitaa Cisbitaalada Gobolada qaarkood dawo la’aan iyo dhakaatiir la’aan ayay u fadhiyaan

Sidoo kale Hooyo magaceeda ku Sheegtay Canab Col-Ujoog ayaa iyana Wasaaradda Waxbarashada ku tilmaantay mid Masuuliyiinta Joogtaa aanay xil iska saarin Waxbarashada ardayda oo indha sarcaad u dhiga Bulshada

“Waxbarashadu kama Dambayn Wasiir Zamzam Iminka waxay gacanta u gashay Rag Tamaashiirtii iyo Sabuuradihii Caruurta guryo ka dhisanaya Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa dad danyar ah ayaanu nahay dadkii ka faa’iidaystay Waxbarashada bilaashka ah ayaanu nahay laakiin dugsiyada caruurtu noo dhigato maamulayaasha ayaa lacagtii si hoose nooga qaada tayada waxbarashaduna way liidataa dadkii waxay u yaaceen dugsiyada gaarka loo leeyahay masuuliyiintii waxbarashaduna dhegahoodu nooma fura arintaa hoos ha loo eego.

Marka laga yimaado wasaaraddaha arrimaha Bulshada ka shaqeeya waxa jira Wasaaradaha Dhaliisha loo soo jeediyay kuwa Siyaasada Gaar ahaan Ta Arrimaha Debedda oo lagu tilmaamay inay hoos u daadegtay intii ay madaxda ka ahaayeen Maxamed Biixi Yoonis iyo Dr Sacad Cali Shire

“Wasaaradda arrimaha debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waa wasaaradda ugu Liidata dalka Waxaana dhulka Dhigay Labadii wasiir ee ugu dambeeyay wasaaradan waxa markasta wasiir ka noqda Keligii Socde shandad yar oo madow la cararaya oo xitaa Xoghayn waraaqaha u qaada aan kaxaysan waana halka aynu ka jabnay lix iyo labaatankaa sanno mid kasta oo yimaadaana Aqoon uma laha wasaaradda intooda badani Farsamayaqaano iyo iyo Hawlaha maamulka ayay yaqaaneen Diblamaasiyada iyo Siyaasada arrimaha Debedda (Foreign Policyga)Waxba kamay Aqoon,Sidaa waxa Fekerkiisa ku gudbiyay Aqoonyahan Cabdiladiif Xaaji Muuse.

Dhaliisha iyo Walaaca wasaaradahan iyo Qaar kale oo badan oo iyagu meeshaba ka baxay oo aan cidiba hadal ahayn sida Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Beeraha,Dib u dejinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta,Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Markaad tagto iskaba madhan shaqo badani aanay ka socon ayaa u baahan in boodhka laga tumo la xisaabtan dhabana lagu dabo galo masuuliyiinta loo igmaday ama loo xilsaaray.

 

Xigaasho “Wargeyska Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here