Madaxweyne Farmaajo Oo Hungo Iyo Faro Madhnaan Kala Kulmay Kulankii Dubai Iyo Dawlada Imaaraadka Oo Hordhigtay Go,aamo Oofwareen Ku Noqdey

0
699

Dawlada imaaraadka Oo Lingaxa U Adkaysay Heshiisyada Ay La Gashay Somaliland Iyo Weftigii Farmaajo Oo Xamaamtooda Ka Soo Uruursadey Dubai

Madxweyna dawlada somaliya Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo) ayaa socdaalkii uu ku tagay dalka imaaraadka carabta kala kulmay hungo iyo faro madhnaan ka dib markii uu kulan uu laqaatay dhaxal

sugaha dalka imaaraadka ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee  imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin ayaa madaxeyne farmaajo Uu Dawlada Imaaraadka kaga codsaday inay ka laabtan maalgashiyada iyo heshiisyada dhexmaray Somaliland Balse Dawlada imaaraadka ayaa Madaxweynaha iyo Dawladiisa Uga Digey Faro galin ay ku sameeyeen heshiisyada hirgalay  ee DP World Iyo saldhiga milatari waxaanay dawlada imaaradku madaxweynaha somaliya ugu hogo tusaaleeysay dalabo ay ka diiday dawlado quwado waaweyn oo aduunka ka taliya oo heshisyada Dp Word ka samayso dekado ka mid ah dalalka aduunka gaar ahaana dalka japan oo doonayey in Dp Word ka noqoto maalgashiga Taiwan isla markaasna ku masaaley in heshiisyada Somaliland ay la gashayna ay la mid yihiin kuwaas dalka somalilandna yahay mid madaxbanaan.

Isoo kalena waxa uu dhaxal suguhu madaxweynaha somaliya usheegay inuu faraha kala baxo heshiisyada dawladoodu la gashay Somaliland,

ilo looga qaateena oo diirada ku hayey dhaq-dhaqaaqa kulanka ayaa wargeyska SAHAN usheegay in madaxweynaha somaliya dhawaaqa dhaxalsugaha ka dib ka codsadey in dawlada imaaraadku ka caawiso  arrimaha nabadgalyada somaliya balse dhaxalsugaha dawlada imaaraadka ayaa ka gaabsadey codsiga farmaajo.

talaabdan imaaraadku ka qaaday socdaalka farmaajo ayaa ku noqotay oofwareen iyo lama filaan uu badka soo dhigan madaxweynaha somaliya taas oo ka marag kacdey sida dawlada imaaraadka uga go,an tahay in ay Somaliland kala shaqayso arrimaha horumarka wuxuuna noqonayaa dhawaaq lingaxa u adkeeyey xidhiidhka Somaliland iyo dawlada imaaraadka carabta.

 Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa dhankeeda goob-joog u ahaa shirka ay qaaten dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida iyo madaxweynaha Soomaaliya,mas’uuliyiin ay ka midyihiin Dr. Anwar bin Mohammed Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Ali bin Hammad Al Shamsi kuxigeenka Xoghayaha guud ee Golaha sare ee amniga qaranka iyo Mohammed Mubarak Al Mazrouei Agaasimaha diiwaanka Dhaxalsugaha Abu Dhabi.

Kulankan Madaxweyne Farmaajo Ayaa Yimi Ka Dib Mooshino Dhicisoobay oo golaha shacabka Somaliya Ay Ku Doonayeen In Lagaga Soo Horjeesto Maalgashiyada Iyo Heshiisyada Imaaraadku Ka Wado Somaliland. Waxaana Imaaraadku Falkaasi Kaga Jawaabay Yeedhmada Madaxweynaha Iyagoona Hordhigay Go,aano Aano aan Cajab Galin Madaxweynaha Iyo Waftigiisa.Farmaajo-Imaaraad-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here