Qisada Gabadhii Yarayd ee Reer India ee Daanyeerka noqon Gaadhay oo Raacdo loogu Jiro Sidii Loo Ogaan lahaa Qoyska ay ka dhalatay

0
627

Inantan yar ayaa laga dhex helay iyadoo ku dhex jirta koox daanyeero ah keynta katranianghat ee waqooyiga dalka India, waxaa la kulmay koox ka mid ah dadka looxaanta jara iyadoo qaawan lana ciyaaraysa daanyeerka ahna xubin ka mid ah, waxay ahayd qof aad u dhuuban ama caato ah, timaheeduna waxa ay ahaayeen kuwo aad u daranyaysan balse xaalad ahaan wey daganayd markii kooxdani arkeen.

Inantan yar oo da’deeda lagu qiyaasay 10 ilaa 12 jir ayaa markii ciidamada boolisku ay isu dayeen inay soo qabtaan uu daanyeerkii ay la joogtay bilaabay inuu difaaco maadaama ay tahay xubin ka mid ah waxaanay soo qaadeen weerar kadib markii ay qaylo ooda ka qaaday iyagoo gaadhigii sarkaalkii qabanayay ku dul xoomeen.

Intaasi kadib waxaa la dhigay cisbitaal dawladu ay leedahay oo ku yaala magalada Bahraich ee isla waqooyiga dalkaasi oo lagu magacaabo Uttar Pradesh halkaasi oo ay ku jirtay muddo laba bilood ah.

Arrinta inantan yar oo halxidhaale ku noqotay maamulka dalkaasi ayaa dhakhaatiirtu ay aaminsayihiin inay la soo kortay daanyeerka in muddo ah iyagoo ciidamada ka dalbaday in soo naadiyaan ama baadhaan hadiiba uu jiro ilmo yar oo la la’yahay oo cid ka maqan si loo xaqiijiyo waxa ay rasmi ahaan tahay.

Waxa la aaminsan yahay inay muddo lasoo kortay daanyeerka waxaanay ciidamda amanku sheegeen in markii ay soo qabteen dhamaan jidhkeedu uu ahaa wada nabarro ama wada xagtimo.

Inantan yar oo xoog caato u ahayd ayaa lagu waramay inaanay maalmo badan waxba cunin iyadoo xiliyada qaar gacmaha iyo lugahaba ku wada soconaysay sida daanyeerka iyadoo sidoo kale sida xawayaanka wax u cunaysay islamarkaana cunada la siiyo dhulka ku daadinaysay kadibna afka ku cunaysay

Dhakhaatiirta ayaa hada wada sidii ay u bari lahaayeen hanaanka uu baniiaadamku u noolyihiin taasi oo markii hore ku adkaatay balse markii danbe xaaladeedu ay kazoo raysay iyadoo bilowday inay lugaha ku socoto isla markaana wax cunto iyadoo adeegsanaysa gacmaheeda, hasayeeshee wali ma hadli karo waxaanay adeegsataa inay faraha wax ku tilmaanto islamarkaana ay dhoola cadayso.

Xaaladahan oo kale ayaa xiliyada qaar dunida ka dhacda, hore ayaa Haweenay u dhalatay dalka Britain ay sidan oo kale keynta dalka Colombia kula noolayd daanyeero markii da’deedu ay u dhaxaysay 4 ilaa 9 sanadood iyadoo kadibna buug ka qortay noloshaasi ay soo martay, sanadkii 1996 kii ayaa xaaladan oo kale wiil u dhashay dalka Nigeria uu muddo 18 bilood ah la noolaa daanyeero kadib intaanu qoyskiisa dib ula midoobin.

Xigasho: Wargeyska Washington Post .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here