Haweenay Maxkamad Ku Taalla Gobolka Ohio Ee Dalka Maraykanka Loo Soo Taagay Inay Nin Kufsatay

0
457

Haweenay ku sugan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay in ay kufsatay taksiile ka hor inta ayna lacag ka dhicin iyada iyo nin kale oo weheliyay, sida ay booliisku sheegeen.

_95585775_509516

Brittany Carter oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay galmo la samaysay darawal 29 jir ah arrintaasina ay dhacday iyadoo uu darawalka mindi cunaha kaga hayo Corey Jackson oo 20 jir ah oo iyada la socday.

Booliiska ayaa sheegay inay ka dibna ka qaateen darawalkii 32 doolar oo uu watay ka hor inta aysan ka cararin goobta ay arrintaasi ka dhacday oo ku taalla magaalada Findlay.

Booliiska ayaa sheegay in ayna ogayn sababta ay arrintaas u samaysay.

“Maadaama oo ay doonayeen inay dhacayeen waxaa laga yaabaa in ay ka ahayd in ay dareenkiisa jeediyaan” ayuu yi Robert Ring oo booliiska u hadlay.

Brittany Carter

Lahaanshaha sawirkaFACEBOOKImage captionCarter ayaa la soo qabtay markii uu darawalku dhacdadaas ku wergaliyay booliiska  Taacadigan ayaa dhacay ka dib markii ay Carter u wacatay taksiga shirkadda Trinity Express Cab Service saacadihii hore ee 28 bishii January, sida ay booliisku sheegeen.  Waxaa la soo xidhay ka dib markii uu darawalku dhacdadan ku wargaliyay booliiska.  Carter ayaa hadda wajahaysa dacwado ay ka mid yihiin kufsi iyo dhac.  Sanadkii 2016kii ayaa labo jeer lagu eedeeyay in ay daroogo isticmaashay.  Booliisku waxay sheegeen in wali la la’yahay ninkii la socday ee Jackson ahaa sida ay booliisku sheegeen.  Wuxuu isna ku eedaysan yahay in uu ka qaybqaatay kufsi iyo dhac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here