Maatida Abaarta Ku Leeday Oo Bogaadiyey Biyo Dhaamin Xildhibaan Bidhi Ku Jalay Hooyada Iyo Dhalaanka Abaartu Uurgoysay

0
582

“  Hooyo Alle Hakaafiye Sida Cadceeduu Na Kaafiyey Ilaa Maalintii Abaaruhu Bileebeen Fadhi Muu haleelin Oo Wuu Noo Gurmanayay Oo Bishii Afraad Buu Mushaharkiisii Uga Soomay Dadka Abaaraha ku Leeday”  Hooyo Khadiija Warsame Maax   

 

“Walaahi Xildhibaanku Gargaarka Marna Nagamuu Jarin Intaanu Kacaa Ku faynay  Wuxuu ka soo Mudhay 25 kii Lala Doortey. Xildhibaanku  Wuxuu Musharahkiisa  ugu Deeqay in Biyo loosiiyo Hooyada, Dhalaanka iyo Aabaha Macaluusha iyo Haraadka U Dhimanaya” Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Deegaanada Biyaha La Gaadhsiiyey

Maatida abaaraha ku leeday ee gobolka togdheer ayaa bogaadiyey deeqihii biyo dhaaminta ahaa ee xildhibaan mubaarig yuusuf cilmi (bidhi) oo ka tirsan golaha deegaanka degmada burco  ku jalay dadkii abaata ba,ani ku habsatay waxaanay sheegeen inuu yahay masuul bulshadiisa la dareen ah oo usoo gurmadey, sidoo kale maatidani waxay telmaameen inuu yahay muddanaha kaliya ee mushaharkiisa ugu deeqay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gobolka togdheer isla markaana uga maarmay mushaharkiisii inuu dadkiisa jal ku habo, waxaana uu gaadhsiiyey deegaano badan oo togdheer ah oo ay ka mid yihiin, qoryaale, ,doodama,Qoyta. Habeedlay. Jaamac dubad, balicalanle, here, bali abokor, jaamac liibaan, kirir, cali saayid, bali aw cali , Iyo eegaano badan Oo Abaaruhu haleeleen. Kaamam burco ku yaala.

Bulshada abaaraha la Leeday ayaa xildhibaanka ku sifeeyey mudakar kazoo Mudhay Xildhibaanadii Lala Doortey iyagoona ku bogaadiyay garab istaaga maatada abaaruhu ma halakeeyeen. Inkastoo Ay Xildhibaanka Kula Dardaarmeen Inuu Halkaasi kasii wado ka warhaynta Iyo Daryeelka Hooyada Iyo Dhalaanka Ay Naafeeyeen Abaaraha Si Xun Uhaleelay Deegaanada Bari Waxaana Hadaladoodii Kamid Ahaa “ hooyo  Dhawr jeerbaan Maqlay biyahan Xildhibaan bidhi baa Mushaharkiisii Idiinku deeqay Mahadi Haka Gaadhee Mubaarig Yare Wuu Dadaalay Ajarkaasna Ilaahayba Ku Abaalmarin. Wan aragnaayo Tamartiisa Wuuna Garab Taagan Yahay Ilaahay Isagoo Kale Haka Dhigo Kuwaanu La Dooranay” hooyo Aaamina Cali Kabraar

Hooyo foosiya sulub oo ka mid ah dadka abaarta ku dhufatay ayaa iyana dhankeeda mahadisay xilkasnimada xildhibaan bulshadiisii udamqay waxayna tidhi.” Hooyo nin mushaharkiisa dhuuqa mooyee nin garta dadka abaarta wax sii  xildhibaan bidhi ka hor maanu arag maamul heer gobol iyo heer degmaba isagaanu haynaa madaxdii kale gobolka meel ay mareen maanu arag ee isagaa nala dareen noqdey wuxuuna noqdey xildhibaan qaran oo bulshadii togdheer ay heshay”

Waxaa sidoo kale Xildhibaanka Bogaadiyay Qaarkamida dhalinyarada degmooyinkaasi oo ku Amaanay Waxqabad iyo gacan furnaan uu biyo dhaamin ka gaystay deegaano ay ku oon baxeen Hooyo iyo ilmahedii oo abaaruhu Dileen Waxayna Yidhaahdeen “Walaahi Xildhibaanku Gargaarka Marna Nagamuu Jarin Intaanu Kacaa Kufaynay  Abaalna Maaha Ee Waa waajibkiisii nin gartay Oo kazoo mudhay 25 kii Lala doortey. Xildhibaanku musharahkiisa uu ugu deeqay in biyo loosiiyo hooyada iyo aabaha macalulta iyo haraadka ugu dhimanaya deeganada Somaliland waa Ajar u sii shaqaystay waajibkiisa uu ka gutay samata bixinta Dadkiisii Leeday”

Xildhibaan Mubaarig Bidhi Ayaa kamid ahaa  Dadka sida weyn ugu gurmadey Abaaraha Gacan Weyna Ka gaystay Samata Bixinta Inta Abaaruhu Haleeleen Waxaana Xildhibaanka Bulshadu Uga Mahadcelisay siduu ugu huray mushaharkiisii Oo Uu Afar Billood ugu deeqay in biyo loo siiyo dadka abaaruhu saameeyeen. Waxaana talaabadan uu xildhibaanku qaaday ay noqotay midey mahadiyaan bulshadii soo dooratay iyo kuwa la silcaayay haraadka iyo gaajada abaaruhu sababeen.

Bulshada abaaruhu ku dhufteen Ayaa Baaq Gargaar degdega Ah ka Dalbadey Umada Somaliland Iyo Ganacsatada Iyagoona Qurbajoogta Ugu Baaqay In Lasoo Caawiyo Isla Markaasina Loosoo gurmado. Waxaana Baaqan Uu Yimi Ka Dib marki Xildhibaan Mubaarig Bidhi Uu Deeq Mucaawimo Ah Gaadhsiiyay Dadka ABaaruhu Saameeyeen Taasi oo Ay usoo wakiisheen Hablo Qurbajooga Oo Ku Dhaqan Wadanka Norwey Magaalada Trondhem.

bidhi yusufXigaasho”Wargeyska Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here