Farmaajo Oo Is Dabraya, Saraakiil Ciidan Oo Ka Soo Horjeestay iyo Xaalada Ammaanka Muqdisho oo Faraha Ka Baxday

0
551

“Waxa Wehel Noo Noqday Qaraxyo Joogta ah Mana ka gudbi karayo Farmaajo Xaalada Ammaan daro…Mid ka mida Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho

“Muqdisho Waa Goob ABGAAL Abgaalna Saamayn Badan kuma laha Dawladda Farmaajo Duqii Caasimada Jimcaalena Wuu Cayriyey Cirka Soo Leef baanu Leenahay…Kornayl Cabdi Gacal Weheliye(Sarkaal Ka Fadhiistay Ciidamada )

“Waxa Fashilmay Ammaankii Qaranka,Waxa Fashilmay Barnaamijkii Farmaajo,Waxa Fashilmay Qorshaha Qurba Joogta Cusub Wuxuuna Farmaajo Mari Doonaa Wadadii Adeerkii Maray.. Siyaasi Cumar Finish

Muqdisho (Sahan) ….Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Dalka ay Dagaaladu aafeeyeen ee Somaliya ayaa Wehel u Nopqotay Qaraxyo,Madaafiif Laga Ridayo Qoriga Hoobiyaha Afduub iyo Cabsi joogta ah tan iyo Markii ay Madaxweynaha u doorteen Wiilka  Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyadoo doorashadiisii Siddeedii Febraury ka dhacday Xaruntii Ciidanka Cirka ee Afisyooni ay ka soo wareegtay muddo Dhan laba bilood iyo Afar Cisho isla markaana sacab fara badan iyo rasaas circa loo rido iyo mushxarad lagu soo dhaweeyay may mahadin dadka Muqdisho soo Dhawayntaa, Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo oo ku lebisan dharka Ciidanka uu Sheegay in uu Guluf Dagaal ku Qaadayo Xarakada Al shabaab isla markaana uu u fidinayo Cafis Muddo Lixdan Beri Gudahooda Cidii ka soo baxda gaar ahaan dhalinyarada u Dagaalanta Xarakada Al Shabaab Daraasad dhawaan la soo saaray ooh or Dhaca ayaa sheegay in 240 Qof ku Dhinteen mudadaa Farmaajo joogay Qaraxyadii muqdisho ka dhacay Haddaba Wargeyska Sahan ayaa si uu ugu Kuurgalo Fashilka haysta Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Xukuumada uu Raysalwasaaraha ka yahay Xasan Cali Khayre ee Dalkaasi Guuldaraystay ee Somaliya Waxaanu wax ka waydiinay xaalada dalkaasi Saraakiil Hore oo Ciidan Aqoonyahano iyo Qaar ka mide ah Madax dhaqameedka Dalkaasi

Ugu Horay mid ka mida Madax dhaqameedka Somaliya oo arrimoammaan awgeed magaciisa aannu u qarinay ayaaku tilmaamay Xaaladda Muqdisho mid ka sii daraysa oo Qarax wheel u Noqotay qarkana u saran inay Xilligii Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Ku Noqoto

“Waxa Wehel Noo noqday Qarax Joogta ah mana ka gudbi karo Farmaajo Xaalada Ammaano daro ee Muqdisho iyo Gobolada qaar ka taagan dadkii Qarax baa dhameeyay Hoobiyaa hadhka cad lala dhacayaa marba Afar nin ayuu bedelayaa waxba ma soo kordhinayso waxay ku socotaa wakhtigii Cabdilaahi Yuusuf Madaxweynaha ahaa Siyaasada Xumada Farmaajo ayaanan u aanaynayaa Waxa dhacaya.

Dhinaca kale Kornayl Cabdi Gacal Weheliye oo ka mid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed (XDS)ee Burburay oo isaguna dhinaca Ammaanka iyo dhibaatooyinka taagan ka hadlay ayaa isagu dhibta ee eedaha xoogooda Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Guudka Ka saaray

“Muqdisho waa Goof (Xero Ama Degaan) Abgaal,Abgaalna Saamayn Badan kuma Laha Dawladda Farmaajo Duqii Caasimada Jimcaale oo Hawl Badan Caasimada ka qabtay Dhinac Ammaan iyo Dhinac Nololeedba wuu eryey muu dersin dhibaatooyinka caasimada yaala Dhamaan raggii muhiimka ahaa wuu Ceyriyay Cirka soo leef baanu leenahay Wax u soconayaa ma jiro

Waxa iyaguna Ammaanka muqdisho iyo Barnaamijka Farmaajo ka hadlay Siyaasi isla markaana ka mid ahaa Dagaal oogayaashii Muqdisho ugu Magaca dheeraa dawladihii Horena Wasiir ka soo noqday Xubin Baarlamaana  ka ahaa Baarlamaankii Dhawaan la bedelay Cumar Finish.

“Waxa Fashilmay Ammaankii Qaranka,Waxa Fashilmay Barnaamijkii Farmaajo,Waxa Fashilmay Qorshaha Qurba Joogta Cusub Wuxuuna Farmaajo Mari doonaa Wadadii Adeerkii Maray,Waynu Ogayn Maxamed Siyaad Barre Sacab baa lagu soo dhaweeyay iyo Heeso Farmaajana Sacab iyo Mooraal sare ayaa lagu soo dhaweeyay Waxaan Filayaa lixda Bilood ee Soo Socda hadduu Siyaasadan Liidata ku sii Wado Dalka inuu Waddo uu ka baxo waayi doono adeerkii ta Afgooye iyo Jaziiraa u Furnayd.

Walaaca iyo Werwerka laga qabo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa soo badanaya isagoo dhinaca kalena Gadhka Geliyay oo colaad toosa u qaaday Dalalka Itoobiya iyo Yugandha(Ethiopia Iyo Uganda) oo ah Labada dale e Ciidamada ugu Badani Somaliya ka joogaan Waxaana arimahaa magaalada Kampala ee Caasimada Wadanka Yuganda Bishii hore Kulan ku yeeshay ay kaga Arinsanayaan Siyaasada Guracan ee Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Yugandha Yuweri Musafeni iyo Raysalwasaare Haiyle Maryam Deselign.

Xigaasho Wargeyska farSahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here