Tababare Jose Mourinho Oo Diyaarinaya In Ka Badan 160 Million Gini Si Uu U Helo Saxiixyada Laba Gool Dhaliye Oo Badal U Noqon Kara Ibrahimovic Iyo Rooney.

0
628

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wuxuu bilaaway ka shaqeynta sida uu wax weyn kaga badali lahaa qorshaha safka kooxdiisa suuqa xagaaga ee soo aadan, wuxuuna doonayaa inuu kasmeysto ugu horeen saxiixyada weerar yahano ku wanaagsan safka kooxdiisa, sidaas darteed wuxuu diyaarinayaa qiimo lacageed qaali ah si uu ugu guuleysto saxiixyada uu doonayo.

Sida laga soo xiganayo wargeyska    “The Sun” tababare Jose Mourinho ayaa hada diyaarinaya qiima gaaraya ilaa iyo 160 million pounds, si uu ku helo saxiixyada weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann, lagu daray kan Everton Romelu Lukaku, si uu u keensado xili ciyaareedka xiga garoonka Old Trafford.

Qorshaha Jose Mourinho ayaa ah in dhanka weerarkiisa uu ka ciyaarsiiyo laba xidig da’ayar ah si uu Manchester United kaga diro waayeelada Zlatan Ibrahimovic iyo Wayne Rooney dhamaadka xili ciyaareedkan.

Waa xili ciyaareedkii labaad oo ay maamulka kooxda Manchester United ku garab istaagayaan tababare Jose Mourinho ku qarash gareynta lacago fara badan suuqa ciyaaryahanada si loo dhiso koox adag ee dib ugu soo celin karta Manchester United u tartamida horyaalka Premier League.Qorsho-badanaa-620x353

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here