Arsene Wenger Oo Si Cad Ugu Sheegay Alexis Sanchez Ineysan Mushaar Qaali Ah Siin Doonin Si Ay U Heystaan.

0
647

Tababare Arsene Wenger ayaan dooneyn inuu qatar galiyo xasiloonida qolka labiska kooxda Arsenal si cadna ugu sheegay Sanchez inuu iska iloobo lacagaha uu maanka ku hayo si uu baaqi ugu sii ahaado Emirates.

Weeraryahanka reer Chile ayaa doonaya mushaar qaali ah inkastoo kooxaha reer China ay usoo bandhigeen mushaar dhan 400,000 kun Isbuucii.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Ingiriiska Arsenal ayaa ka dalbatay heshiis cusub oo ay todobaadkii ku siin doonaan Sanchez 300,000 kun Pound xilli ay baadi goob ugu jiraan Manchester City iyo Chelsea.

“Dadka qaar waxey igu yiraahdeen, sii waxa uu doonayo, balse ma aadan xushmeynin inyar xitaa qaabka dhismeedka mushaaraadka, waxaadna kooxda galisay mushkilad sidoo kale” ayuu yiri Wenger oo ka fakaraya xasilooni darada ka imaan karta qolka labiska.

“Mar walba, kooxda ayaa leh mudnaanta” Ayuu yiri Arsene.

“Waan fahansanahay in ciyaartoyda waaweyn ay mudnaan leeyahiin, balse ugu dambeyntii, xitaa ciyaartoyda muhiimka ah waad siin kartaa kaliya sida ugu badan ee aad u awoodid”

Ugu dambeyntiina Sanchez ayaa haatan qaata lacag dhan 130,000 kun oo Pound waana in ka badan 30,000 kun lacagaha uu qaato haatan Jesse Lingard.

 Sanchez-33

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here