“Gudo Baas Mid Ka Yimi Oo Garaca Mooyaane,Ma Gilgilo Haweenka Ninkii Aw Kasoo Go’ay”Agaasimihii Hore ee Cashuuraha Beriga Somaliland

0
890

Hargaysa( Qoryaalenewssam)Agaasimihii Hore ee Cashuuraha Beriga Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye Oo Magaalada Hargaysa ku Qabtay Shir Jaraaid oo uu Kaga Hadlaayo Warar Ay Qoreen Qaar Ka mid Ah Warbaahinta Somaliland Gaar Ahaana Kuwa Mareegaha Kuwaasi oo lagu Dhaliilay Habsami u Socodka Wasaarada Maaliyada Gaar Ahaana Wasiirka Wasaaradaasi Marwo Samsam Cabdi Aadan Ayaa Beeniyay Waxba kama jiraana Ka DHigay Wararkaasi  Isagoo Ka Xogwaramay  Isbedelada Ay Gashay Mudooyinkii u Danbeeyey Wasaaradaasi  Wuxuuna Ka Dhawaajiyay Isla markaana Farta Ku Fiiqay In Wasaarada Maaliyada oo uu Takhasus u Leeyahay Laga Sameeyey ISbedelo Kala Duwan

Cabdiraxmaan Jibriil Ayaa Beeniyay In Wasiirka Wasaarada Maaliyada Laga bedelayo Booska Ay Hada Joogto Isla MArkaana La Keenayo  Wasiir Cali Mareexaan Waxaana uu intaasi ku Daray in Wararkaasi Cida Faafisay Aanay Xaqiiqada u Dhoweyn Waxaana uu yidhi Isagoo Arimhaasi Ka Hadlaya Sidan

 

Cabdiraxmaan Jibriil Waxaan Ugu Horeyn ku Waydiinaynaa Ma Dhabaa in Samsam Cabdi Aadan lagu bedelayo Wasiir Cali Mareexaan?

“Maya warkaasi waxba kama Jiraan waana Beenta iyo Borobagaandada uu Qoray Websiteka La Yidhaahdo Saylactoday Waana Qof Aan Wanaagsanayn mana Gaydo Marwo Samsam Cabdi Aadan Caydaas iyo Aflagaadaasi,Waana Xaaraan milgaha iyo dhaqanka Somalilandna kuma Jirto in Hablaha,waxaanan Leeyahay Ninka Is Qarinayoow Saylactoday Banaanka Kaalay ileen Gabadha Aad Caayayso Rag ayay Walaalo yihiine

Waa lagu Garanayaa Waxaanan qabaan inaad tahay Nin cadhaysan oo qaab qabiil u Hadlaaya Mana tihid nin Hab Suxufi u Hadlaaya oo Dhaliil sheegaya Laakiin Waad Caytamaysaa oo welibana Dumarkii baad qaab qabiil u Caayaysaa Waxaanan ku Leeyahay “GUDO BAAS MID KA YIMIYOO GARACA MOOYAANE,MA GILGILO HAWEENKEENA NINKII AW KASOO GOAY”

Hadaba Waxaan ku leeyahay Hadaad wax dhaliilayso La Kaalay wax dadka u Cuntama oo Aan Cay Ahayn,Hana la Imaan Hadalada maqaaxiyaha ee dadku Markay Maqaaxiyaha Joogaan ee Dadku Qaadka ka dhergaan Hana ula Imaan Dadka Hebelbaa Hebel lagu Bedelayaa iyo Hadalka Ciyaala Suuqa Waxaasina Waa Sheeko Dibjir baan ku leeyahay

Waxaan Ku Leeyahay Yaanu Afku ku Qaloocsamine Hablaha Maanta Ka db Waxba Haka Sheegin,Waayo Ragu Way Leeyihiin Inaan Wax ka sheegno si ay iskaga Daayaan mana Aha Saxaafadu mid Wax Xumaysa amase dadka lagu caayo,Qof Walibana Wax Wuu Caayi Karaa Hadii aanu Xeerinayn Sharaftiisa,Qofka Umada u Heeganka ahna maaha in La Xagxagto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here