Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Jaaliyada Jeddah Ka Gudoomey Qadhaan Lacageed Oo Loogu Talo Galay Waddada Ceerigaabo Iyo Halka Ay Marayso Oo Uu Ka Warbixiyay.

0
559

wasir cali mareexanWasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cali Maxamed Xasan (cali mareexan) ayaa jaaliyada reer somaliland ee magaalada jeddah ee wadanka sucuudiga ka gudoomey Qadhaan lacageed oo laagu talo galay dhismaha waddada ceerigaabo iyo burco

Munaasibad loo sameeyay wareejinta lacagtan oo ka dhacdey wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland ayaa waxaa kasoo qayb galy wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland, mareeyaha haa’ayada wadooyinka iyo xubno ka socda jaaliyada ku dhaqan magaalada Jeddah.

Ugu horeyn waxaa munaasibada wareejinta lacagtan ka hadley Abokor Maxamed Cali oo ahaa sarkaal lacagtan lagu soo hagaajiyay ayaa sheegay in Qadhaankan lacageed uu ka yimi jaaliyada reer Somaliland eek u dhaqan Jeddah waxaanu sidoo kale sheegay in aduunkan lacageed uu dhan yahey Siddeed Kun Iyo Lixboqol (8600$),

”magaceygu waa abokor maxamed cali waxan ka tirsanahey jaaliyada reer Somaliland ee jiddah waxaa aan manta aan la fadhiyaa wasaaradii hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland aadbey sharaf igu tahey inaan manta halkan ugu yimaado oo aan xafiiskooda kusoo booqdo, waxaan manta halkan ujoogaa oo qasdigaygu yahey inaan wareejiyo lacag qadar ah oo ay iska soo uruuriyeen jaaliyada Jeddah sucuudi Arabia, fariinta aan jaaliyada u dirayaa waxay tahey wixii aan iska  soo uruuriney ee aynu ugu talo galney inaan kaga qayb qaadano horumarka dalka, waxa aan ku wareejin donaa madaxda wasaarada dalkana horumar badanbaa ka socda horumarkuna waa shilimo laysku geegeyay waxaaney ku wanaagsan tahey in sidaa iyo si ka wacan looga wada hawl galo”ayuu yidhi Abokor Maxamed Cali

Geesta kale Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed Xasan (cali mareexan) ayaa dhankiisa mahad celin balaadhan udiray jaaliyada somaliland ee jeddah aduunkan lacageed ee loogu talo galay dhismaha waddada ceerigaabo waxaanu ka shekeeyay kaalinta wax ku oolka ah ee jaaliyada Jeddah kaga jiran wadankan

“Jaaliyada dalka sucuudiga ee Jeddah waan kaga mahad celinayaa taakuleynta ay kaga qayb qaadanayaan dhismaha waddada ceerigaabo iyo burco, lacagtaa ay jaaliyadu nosoo gudbisey ee uu uga wakiilka ahaa Abokor Maxamed Cali waanu ka gudooney qadarkeeduna waa Siddeed Kun Iyo Lixboqol (8600$) si fiican ayay uga qayb qaadaneysaa hawsha balaadhan ee la wado, waxaaney muujineysaa iskaashi iyo niyad wanaag iyo sida jaaliyadaasi dadkeeda iyo dalkooda uga war hayaan”ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cali Maxamed Xasan (cali mareexan)

 Cali Maxamed Xasan (cali mareexan) Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay doorka jaaliyada Jeddah ay kaga jiraan horumarka dalka “jaaliyada reer jiddeh waa la ogyahey ilaa hagankii iyo dhismaha dalka intaa yurub iyo dunidan la baran waa halkii dalka laga dhisey, halkii halganka laga taageeraayay weeyaan markaa aad iyo aad ayay umahadsan yihiin qaybta ay ka qaateen iyo kuwii horeba”ayuu yidhi wasiir Cali Xasan Maxamed (cali mareexan)

Wasiir cali mareexan ayaa sidoo kale sheegay in dhismahii waddada ceerigaabo uu dhamaad ku dhawyahey isagoo xusey in 3000-km ayay isku xidhmeen”waxan bulshada reer Somaliland in jidkii dheraa ee 3000-km ahaa ee ceerigaabo ilaa burco ay manta 3000-kmba isku xidhmeen “ayuu hadalkiisa ku sheegay Cali Xasan Maxamed (cali mareexan) Wasiirka hawlaha guud iyo gu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here