Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Somaaliya Oo Safar Dhuumasho Ah Ku Jooga Buhoodle Iyo Wasiir Xaglo-toosiye Oo Isagoo Buhoodle Ku Sugan Indhaha Ka Qarsanaya

0
470

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in magaalada Buuhoodle ay shalay soo gaadheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Somaliya kuwaas oo la socday diyaaradd yar oo waday raashin iyo dawooyin mucaawimo ah oo ay soo dirtay dawlada Somaliya kana soo kicintintay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Waxaana xildhibaanadan oo tiradooda naloogu sheegay Saddex isla markaana ay waheliyaan masuuliyiin kale oo ka socda Somaliya ayaa waxay shalay galab soo gaadheen Buuhoodle halkaas oo ka jirto xaalad abaareed,waxaana xildhibaanadan naloo sheegay inay kasoo kala jeedaan gobolada Buuhoodle iyo Sool.

Waxaana xildhibaanada ka socda baarlamaanka dalka Somaliya magacyadooda kamid ah Xildhibaan Axmed Jaamac Jiingali, Xildhibaan Sharmaake Garaad Saleebaan Buraale iyo waliba xildhibaan Ikraan kuwaas oo dhamaantood ka tirsan baarlamaanka Somaliya

Waxaana xildhibaanadan ay isla xalayba kulamo la qaateen sida ay xoguhu nagu soo gaadhayaan madax-dhaqameedka Buuhoodle iyo waliba masuuliyiin ka tirsan kooxda Khaatumo kuwaas oo ay kala hadleen arrimo ay kamid yihiin xaaladda abaareed ee ka taagan gobolada Sool iyo Cayn iyo waliba inay madax-dhaqameedkan iyo siyaasiyiintani ku qanciyaan inay taageeraan dawlada Somaliya kana soo horjeestaan wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

Kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa xoguhu tibaaxayaan in odayaasha iyo madax-dhaqameedka qaar kamid ah ay kasoo dareereen kulankaasi kuwaas oo ku sababeeyey in aanay wakhtigan haboonayn in laga hadlo arrimo siyaasadeed balse ay tahay In dadka dhibaataysan loo gurmado,waxaana odayaashaa kasoo dareeray kamid ah Caaqil Axmed Diiriye Jiinje caaqil Xasan Cayse Wacayse iyo waliba oday Cismaan Kayse Xaji Dayr.

Sidoo kalena waxa iyaguna deegaanada Buuhoodle wakhti xaadirkan ku sugan masuuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” iyo taliyayaal ka socda ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore kuwaas oo deegaanada Buuhoodle iyaguna u tagay u gurmadka dadka ay isku waheshadeen abaaraha iyo xanuunada Shuban Biyoodka iyo Jadeecada oo ka dilaacay deegaanadaasi.

Waxaana laga cabsi qabaa in buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada ay ka qaraxdo xiisad siyaasadeed iyada oo wakhtigana ay ka jirto xaalad abaareed oo adag,sidoo kalena xukuumadda Somaliland ayaa wali ka hadal waftigan ka socda Somaliya ee ku dhex sugan Buuhoodle.xagla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here