Codbixintii Wax Ka Bedelka Distoorka Dalka Turkiga oo ay Guushu Raacday Garabkii Wax Ka Bedelka Rabay Iyo Xisbiyada Mucaaridka oo Ku Gacan Saydhay

0
460

Xisbiga mucaaradka Turkiga ugu weyne ee Jamhuuriya iyo xisbiga Kurdiyiinta ayaa si wada jir u cambaareeyey natiijadii aftidii distoorka loo qaaday.

Labadan xisbi ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn natiijadii aftida, iyaga oo sheegay in laba milyan oo cod aanay waxba ka jirin, isla-markaana dib loo tiriyo cododka la dhiibtay

ilaa hadda wax war ahi kamuu soo bixin guddiga doorashooyinka iyo madaxda xisbiga xukunka haya ee AK PARTY.

Madaxweynaha Turkiga iyo Raysal wasaaradiisa ayaa si wada jir u sheegay inay ku guulaystay Aftidii distoorka wax lagaga beddelayey

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu, iyada oo la tiriyey boqol kiiba boqol ayey natiijooyinku muujinayaan inay shacabka Turkigu u kala codeeyeen 51.70 ayaa haa ku codeeyey, halka 48.30 ay u codeeyeen Maya, taasi oo ka dhigan inay ogalaadeen shacabka Turkigu in distoorka wax laga beddelo 23,997,153 oo qof, sidoo kale ay diideen dad gaadhaya 22,420,313 oo qof.

Madaxweyne Erdogen ayaa shacabkiisa ku hambalyeeyey inay doorteen in dalka Turkiga la horumariyo, oo ay ka adkaadaan kuwii ka soo horjeeday horumarka dalka.

Madaxda xisbiga AK ayaa hareere socday markuu madaxweynuhu hambalyeynayey shacabkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here