Dawladda Britain Oo Cashuurtii Ku Kordhisay Shirkadaha Xanjada Soo Saara, Sababo Nadaafeed Awgeed

0
569

Xukuumada Dalka Britain ayaa cashuurtii ku kordhisay shirkadaha soo saara Xanjada laga cuno Dalkaasi, kadib markii ay xukuumadu sheegtay in qiimaha ay ku nadiifiso goobaha ay dadku iskugu yimaadaan ama Waddooyinka ee Xanjada lagu tuuro  ay tahay lacag dhan 60 Milyan oo Istarliini.

Golayaasha deegaanka ee Dalkaasi Britain ayaa cadho hor leh ka muujiyey diidmada shirkadaha qaarkood ee cashuurta lagu kordhiyay, gaar ahaana shirkada Wrigley.

War bixin lagu soo bandhigay Daily Mail oo Wargeyska Himilo tarjumay ayaa lagu sheegay in dhibaato aad u badani ka qabsato Shaqaalaha u qaabilsan nadiifinta xanjooyinka lagu cuno Magaalooyinka Dalkaasi, waxa kale oo lagu xusay warbixintaasi in qiimaha xanjadu uu yahay 3 Filis, balse nadiifinta Hal Mar oo ay dad ku dhajiyeen xanjadii ay cuneen tahay Qiime shan jeer ka badan, isla markaana ay ku kaliftay Madaxda Dalkaasi inay Cashuur kordhin ku soo roogaan shirkadahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here