Dawladda Taiwan Oo Gannaax Lacageed Oo Ku Soo Rogtay Cidda Disha Bisadaha Iyo Eyda

0
900

Dhawrista Xuquuqda Xayawaanka oo ah muhiim oo suurto galinaysa inay si xoriyad leh u noolaadaan kana ilaalinaysa in dhibaato loo geysto.

Xukuumada Taiwan ayaa qaaday tallaabo ay kula dagaalamayso mid ka mid ah caadooyinka aadka u layaabka badan oo aan hore dunida guud ahaan loogu arag.

Taiwan ayaa soo saartay Go’aan ay shacabkeeda kaga mamnuucday inay Bisadaha dilaan oo ay hillibkooda cunaan, go’aankan oo si toos ah u baahisay Wakaalada Wararka ee Dalka Taiwan, waxa kale oo ka mid ahaa in dhammaan cuntooyinka laga helo Hillibka Bisadaha iyo Eyda aan laga ogolayn in dalkaasi laga Isticmaalo.

Go’aankan koobsanaya in dadka la arko iyaga oo dhibaataynaya Xayawaanka laga qaadi doono taltaabo oo ay muttaysan doonaan ciqaab ay ka mid tahay Laba sano oo xadhig ah, sidoo kalena waxa lagu gannaaxi doonaa qofkii lagu arko arrintaasi lacag dhan 6.500 oo Dollar.

Waxa xusid mudan in Dalka Taiwan ay caan ka noqotay Dilka iyo cunista Hillibka Eyda iyo Bisadaha, taasoo keentay in Xukuumada Dalkaasi si toos ah uga soo saarto go’aankan, kadib markii la ogaaday dhibaatooyinka Caafimaad ee Dadkii Hillibkaasi Caadaystay ay kala kulmeen halka ay dad badani ku waayeen noloshoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here