Muqaal iyo Saawiro’ Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani iyo Hoogamiyaha Wadani Xirsi Cali x Xasan oo kulan la Qaatay Odayaal iyo Wax Garad kasoo Jeeda Jaaliyadda Bariga Burco ,Saraar,Bariga Saaxil iyo Sanaag ee Magaalada Lodon

0
1306

.Wafiiga uu hogaaminayay Musharaxa Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi ee baryahan socdaalo kala duwan ku gaalaa bixinayay Qaaradda Yurub,ayaa habeenkii Xalay oo ku beegnayd 20/04/2017 kulan balaadhan oo xogwaraysi ah la qaatay Odayaasha,Dhalinyarada,haweenka iyo aqoonyahankaba la qaatay Jaaliyadda deegaamadaa aan kor kusoo Xusnayd ee ku dhaqan Magaalada London.

Kulankan oo ahaa mid la isku xogwaraysanayay ayaa Musharaxa Xisbiga waxa ku wahelinayay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga oo iyaguna Kulankaa kala qayb galay,waxana inta badan diiradda lagu saarayay sidii uu xisbiga Waddani

Cod baaxadleh uga heli lahaa deegaamadaasi,Maalinta loo dareero Cod-bixita Doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha November ee dabayaaqadda sanadkan haddii alleh qadaro.

 

Gabo gabadii waxa kulankaasi kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

 

Xigaasho’

Hadhwanaagnews.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here