MOURINHO OO NIYAD XUMO KA MUUJIYAY DHAAWACYADA ZLATAN & ROJO!

0
760

MOURINHOZlatan Ibrahimovic ayuaa la filayaa inuusan garoomada kubadda cagta kasoo muquan inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan inkastoo aysan jirin wali warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Man United taasoo cadeyneysa mudadiisa maqnaashiyaha.

Daqiiqadahii ugu dambeeyay waqtiga caadiga ah kulankii Anderlecth ayuu dhaawac soo gaaray weeraryahanka reer Sweden, waxaana haatan lasoo warinayaa ineysan xaaladiisa fiicneyn.

Sida laga dareemay Jose Mourinho oo ka warbixiyay xaalada caafimaad ee labadaan xidig, waxey u muuqdaan kuwa ciyaaray kulamadoodii ugu dambeeyay xili ciyaareedkaan.

Ciyaariyahankii hore Barcelona, Inter, Juve, Milan iyo PSG ayaa kasoo muuqday United 46-jeer tan iyo markii uu si xor ah ugu yimid isagoo shabaqa dhex dhigay 28-gool.

“Waan sugayaa, balse dareenkeyga ku aadan labadooda ma wanaagsana” Ayuu yiri Jose Mourinho oo wax laga weydiiyay xaalada labadiisa xidig.

“Waa inaan sugo, sidoo kalana niyadsami muujiyo, balse kuma sugni waqtigaas” ayuu yiri Jose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here