KOOXDA JUVENTUS OO DHAMAYSTIRTAY LA WAREEGIDA XIDIGA REER URUGUAY EE RODRIGO BENTANCUR

0
697

Kooxda Juventus ayaa ku guulaysatay in ay heshiis waqti dheer ah kula soo waregto xidiga ree Uruguay iyo kooxda Boca Juniors ee Rodrigo Bentancur kaas oo ay hadda ku dhawaaqday in uu kooxdeeda qalinka ugu duugay heshiis shan sanadood ah. Rodrigo Bentancur ayaa si rasmi ah Juventus uga mid noqon doona July 1,2017 marka uu suuqa kala iibsiga xagaagu dib u furmo balse haddaba waxa uu saxiixay heshiiska uu Juventus Stadium ku iamanayo.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Juventus ayaa lagu shaaciyay heshiiska ay ka saxiixatay Rodrigo Bentancur waxaana qoraalkaas lagu yidhi: ” Juventus waxay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo dhamaystirtay la soo wareegista Rodrigo Bentancur kaas oo ay kala soo wareegtay Boca Juniors. Xidiga ree Uruguay waxa uu saxiixay heshiis shan sanadood ah wxuuuna heshiiskiisu ka bilaami doonaa July 1,2017 ilaa June 30,2022″.

Juventus ayaa sheegtay in ay saxiixa Rodrigo ka soo bixisay 9.5 milyan euros isla markaana ay laba sanadood ku bixin doonto lacagtan. Laakiin sida warbixinta Juventus lagu xusay lacagan ayaa si wayn u kordhi doonta iyada oo ay ku xidhan tahay horumarka uu Rodrigo Bentancur ku sameeyo Juventus, waxayna Boca Juniors heli doontaa boqolkiiba 50% dheeraad ah.

Rodrigo Bentancur ayaa kooxda Max Allegri u saxiixay hesiis shan sanadood ah wuxuuna kooxda inteeda kala la soo midoobi doonaa July 1,2017 markaas oo uu dib u furmi doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagu. Juventus ayaa xili ciyaareedkan ku tartamaysa saddexda koob ee ay xili ciyaareedkan ku soo jirtay iyada oo waliba soo gaadhay afar dhamaadka Champions Leaque-ga.ROBERT LEWANDOWSKI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here