Dawlada Itoobiya Oo Daawooyin Usoo Dirtay Buuhoodle Iyo Cali Khaliif Oo Booqdey Bukaanka Daadsan Dhakhtarada iyo Banaanka Buuhoodle

0
612

cali khalifDawlad Itoobiya ayaa maanta deeq dawooyin ah iyo Dhakhaatiir usoo dirtay magaalada Buuhoodle oo ay ka jirto xaalad adag iyaga oo ay cusbitaalada magaalada Buuhoodle jiifaan in ka badan 400 oo qof oo uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodka iyo Jadeecadu kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo goobaha caafimaad ee Buuhoodle.

Waxaana waftigan dhakhaatiirta ah oo ka socday dawlad Fadaraalka ah ee Itoobiya iyo dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ay tageen cusbitaalka Daryeel ee magaalada Buuhoodle oo uu leeyahay wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” kaas oo ay jiifaan dad kor u dhaafaya 300 oo qof oo uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodku,waxaana ay halkaasi dhakhaatiirtani gaadhsiiyeen dawooyin ay dadkan xanuusanaya usoo dirtay wasaaradda Caafimaadka Dawlada Itoobiya iyaga oo sidoo kalena sida Ramaasnews loo xaqiijiyey isla maantaba hawl gallo caafimaad oo daawayn ah dhakhaatiirtan cusbitaalkaasi ka bilaabeen.

Waxaana dhakhaatiirtani sida naloo sheegay ay ku sugnaan doonaan magaalada Buuhoodle ilaa inta ay ka dabar jarayaan xanuunkan Shuban Biyoodka oo faro baas ku haya bulshada Buuhoodle isla markaana ay dad tiro badan u dhinteen, waxaana dhakhaatiirtani ay ka kala socdaan sida naloo sheegay dawlada Fadaraalka ah ee Itoobiya iyo dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ee Jigjiga.

Dhinaca kale horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Kahliif Galaydh,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Kooxda Khaatumo oo ay waheliyaan waftiyo ka kala socday dalalka Maraykanka iyo Ustarelia ayaa waxay iyaguna kormeer ku tageen cusbitaalka Daryeel ee uu leeyahay Wasiir Xaglo Toosiye oo ah wasiirka caafimaadka dawlada Somaliland oo ay jiifaan boqolaal qof oo uu soo ritey xanuunka shuban biyoodku,waxaana Horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo waftigani ay mid mid u dul istaageen bukaan jiifkan oo u badan waayeel iyo caruur,waxaanay alle uga baryeen inuu alle caafiyo halka ay waftigan cadaanka ahna dhakhaatiirta cusbitaalka ku adkeeyeen inay si daacada ugu shaqeeyaan bukaan jiifkan lana tacaalaan xaaladooda caafimaad.

Gabagabadiina Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxa faro baas ku haya xanuunada Shuban Biyoodka iyo Jadeecada kuwaas oo soo ritey isla markaana ay cusbitaalada Buuhoodle u jiifaan in kabadan 400 oo qof oo u badan waayeel iyo caruur,waxaana jira dad u dhintay xanuunkaasi oo iyaga laftooduna kor u dhaafaya 30 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here