Alshabaab Oo Digniin Culus U Dirtay Iskuulada Iyo Jaamacadaha Ku Yaala Muqdisho

0
541

Cali-Dheere-280x175Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin ka soo saartay Iskuulada iyo Jaamacadaha aan islaamiga aheyn ee lagu dhigo luqadaha ajnabiga, iyagoo ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in aanay u dirin Iskuulada lagu faafiyo dhaqanada reer galbeedka ah.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo soo duubay farriin maqal ah oo 26-daqiiqo soconeysa ayaa sheegay in Carruurta ay aadi karaan Iskuulada Islaamiga lagu barto oo kaliya ah, maadaama kuwa kale aysan wanaagsaneyn

Waxaa uu u digay cid kasta oo ka qeyb qaadata ama faafineysa waxbarashada dhaqanka reer galbeedka ay la kulmi doonaan cawaaqib.

“Waxaan uga digeynaa Dalladaha, Ururada, Mu’asasaadka iyo shaqsiyaadka ku howlan fulinta ajandayaasha gaalada iyo gaala-raacyada in ay ka waantoobaan howshaas, ayna joojiyaan manaahijta qaloocan ee u adeegeysa rabitaanka gaalada iyo gaala-raacyada, ayna ogaadaan in howsha ay ku jiraan ay tahay garabsiin ay gaaladu ku garabsiinayaan gaaleysiinta ubadka Muslimiinta, taasna ay ka dhalaneyso in diinta laga baxo waa haddii ay Muslimiin ahaayeen, Haddii ay ogaal gaaladu ku garab siinayeena ha ogaadaan in ay dagaal kula jiraan Muslimiinta, ayna waxba ka duwaneyn gaalada soo duushay, dadka Muslimiinta ahna ha ogaadaan in cidii iyadoo howshaas ku jirta ay wax ku soo gaaraan aanan la dulminin balse ay iyadu dagaal cad ay gashay”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sheekh Cali Dheere ayaa farta ku fiiqay Iskuulo iyo Jaamacado uu sheegay in lagu faafiyo Tacliinta reer galbeedka, kuwaasoo uu tilmaamay in ubadka kala dagaalamaan diintooda, isla markaana ay faafiyaan dhaqanada reer galbeedka

“Calaamadaha lagu yaqaano iskuulada iyo jaamacadaha waxaa ka mid ah, waxay ku dadaalaan luqadaha ajnabiga, waxay la dagaalamaan luqada Carabiga ah, sababtoo ah diinta Islaamka, Waa luuqadda Nabigeena, Waa luqadda Kitaabkeena, ugu dambeyna waa luuqadda Ahlu-Jannaha sidaas darteed ayaana Muslimiinta looga fogeynayaa, luuqadaha ajinabigana loo jecleysiinayaa wax kasta oo marmarsiyo looga dhigaba”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Cali Dheere ayaa ku soo beegmaya, xilli todobaadyo ka hor ay Al-Shabaab soo saartay manhaj cusub oo luqada Carabiga ku qoran, kaasoo loogu tala galay iskuulada Hoose, dhexe iyo Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here