Dawlada Masar Oo Saldhig Milatari Ka Furanaysa Eritrea Markii Ay K a Quusatay Dalal Kale Oo Somaliland Ku Jirto

0
512

Jabhad ka soo horjeeda dawladda Eritrea, ayaa daboolka ka qaaday in Masar  heshiis ay Saldhig Millatari ku furanayso la gashay xukuumadda Eritrea. Ka dib markii ay ka quusatay inay Somaliland siiso saldhig ay ka doonaysay.
“Wararka ka imanaya  dalka Eritrea, ayaa sheegaya in  dawadda Masar ay heshiis la gaadhay xukuumadda Eritrea  si ay uga furato Saldhig Millatari dalkaas.Wargeyska Sudan Tribune, ayaa baahiyay in  dawladda Masar ay hore iskugu dayday Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti,Mareegta The National, ayaa saldhigan wax ka qortay, waxa warbixinteeda  soo akhriyay oo warkan ka diyaariyay Cumar Maxamed Faarax oo ka mid ah Suxufiyiinta shabakadda  Hadhwanaag News.
ka hor intii aanay ku guulaysan inay heshiis la xidhiidha saldhigga Millatari ay la saxeexatay dawladda Eritrea.

Dawladda Masar, waxay labadii sannadood ee la soo dhaafay ay shirar  la xidhiidha saldhigga ay doonaysay la yeelatay xukuumadda Somaliland, hase yeeshee dawladda Somaliland ayaa diiday iyadoo ka dheeraanaysa  in saldhiggani uu wax u dhimi doono cilaaqaadka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya.

Siday daabacay jariirada Sudan Tribune, Jabhadda canfarta ee  mucaaridka ku ah maamulka Eritrea ee la yidhaahdo RSADO, ayaa sheegay in Isniintii toddobaadkii hore, ay dawlada Eritrea la saxeexatay Masar inay saldhig Millatari ka siiso dalkeeda, iyadoo aan  muddada heshiiskani qaadan doono aan la caddeynin.

Saraakiisha jabhadaasi,  waxay sheegeen in heshiiskani ka dhashay wefti heerkiisu sareeyay oo ka socday dawladda Masar oo toddobaadkii hore booqasho ku tagey Eritrea.

Siday tibaaxeen masuuliyiinta u hadlay jabhadda Canfartu,  20.000 illaa 30.000 oo askari, ayay Masar qorshaynaysaa inay dejiso Saldhigan.

Haddii uu rumoobo saldhigani, waxay Masar noqonaysaa dalkii u horreeyay ee Afrikaan ah iyo waddankii saddexaad  ee Carbeed ee Saldhig Millatari ka furta dalka Eritrea.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here