Gobolka Kashmiir Ee Dalka Hindiya Oo Laga Xannibay Isticmaalka Baraha Bulshada

0
550

Mas’uuliyiinta Kashmir ee qaybta ay Hindiya maamusho ayaa shaaciyay in muddo bil ah ay xannibaad ku soo rogeen 22 ka mid ah baraha ay bulshadu ku xidhiidho.

messaging

Barahaasi la mamnuucay waxaa ka mid ah Facebook, Twitter iyo WhatsApp.

Maamulka Kashmir ayaa sheegay in shakhsiyaadka dolwadda ku kacsan ay si xun u isticmaalaan adeegyadaasi isla markaana ay rabshado ku huriyaan.

Baraha kale ee xannibaaddan lagu soo rogay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah YouTube, Skype, Telegram, Snapchat iyo Reddit.

Dr Qazi Haroon oo ah dhakhtar u shaqeeya dowladda ayaa sheegay in xannibaadan ay dhibaato ku tahay ol’olaha waaxda caafimaadka ay ka wadday baraha bulshada.

22 ka mid ah baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa la xannibay.

22 ka mid ah baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa la xannibay  Intarneedka ayaa inta abdan laga xannibaa gudaha Kashmiir si loo dejiyo dibadbaxyada dadka rayidka ah ay wadaan iyo sidoo kale muddaharaadyada ka dhanka ah dowladda Hindiya, kuwaasi oo inta badan ay rabsahdo ka dhashaan.  Balse waa markii ugu horreysay oo mas’uuliyiintu ay gebi ahaanba mamnuucaan istcimaalka baraha xiriirka bulshada.  Kooxaha xaquuqul insaanka ee dalka Hindiya ayaa xannibaaddaasi ku tilmaamay mid liddi ku ah xorriyatul qowlka.  Sidoo kale guddiga difaaca weriyeyaasha ee CPJ ayaa ugu baaqay dowladda Hindiya in ay ka laabato go’aankaasi ay xannibaadda ku saareyso baraha xiriirka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here