Haweenay 37-Jir Ah Oo 38-Carruur Ah Dhashay (Sawiro)

0
549

Haweenay u dhalatay dalka Uganda ee bariga qaarada Afrika ku yaala, ayaa noqotay hooyada ugu  yar uguna carruurta badan dunida, taas oo iyadoo todoba iyo sodon jir ah, dhashay sideed iyo sodon carruur ah.

Haweenaydan oo lagu magacaabo, Mariam Nabatanzi, ayaa sideed iyo sodon carruur ah oo isku wada aabe ah, u wada dhashay hal nin oo kaliya, waxaanay hooyadani ka mid tahay dadka danyarta ah ee tuulooyinka beeralayda ah ee dalkaas ku nool.

 

Sheekada hooyadan todoba iyo sodon jirka ku dhashay sideed iyo sodonka carruurta ah, ayaa ku nool tuulada, Kabembiri oo konton 50 km, waqooyiga bari kaga beegan caasimadda dalkaas ee Kampala, halkaas oo iyada, odaygeeda iyo carruurteeda oo dhami ku wada nool yihiin.

 

Carruurtan 38 ah ee ay dhashay haweenaydan ayaa ka ugu wayni yahay sadex iyo labaatan jir, waxaana ugu yar ilmaha afar bilood oo qudha jiray, sida la sheegayna waxa ay carruurtani u kala dhashay mataano afar afar ah, kuwo sadex sadex ah iyo labo labo mataanood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here