Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Maanta Mar Kale La Horkeenayo Laba Ciyaala Oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI

0
625

Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in maanta Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Hargeysa la hor keenayo maalinkii laba Sarkaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo muddo Bil ku dhaw ku xidhan magaalada Hargeysa.

Maxamed-Siddiiq-Dhamme

Waxaana labadan masuul ay kala yihiin gudoomiyihii garabka dhalinyarada heer qaran ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis kuwaas oo muddo Bil ku dhawaad ah ku xidhan Xabsiga Wayn ee  magaalada Hargeysa.

Xeer ilaalinta Somaliland iyo Taliska ciidanka Booliska ayaa labadan Sarkaal kusoo eedeeyey qaran Dumis,waxaana maxkamadda gobolka Hargeysa ay hore u dhagaystay dacwada loo haysto labadan masuul,sidoo kalena waxay maanta dhagaysan doontaa sida naloo sheegay qareenada u doodaya labadan Masuul ee ka tirsan xisbiga WADDANI.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa la filayaa in maanta marka ay dhagaysato kiiska dacwadan ay hadana Fadhi kale dib u iclaamiso ay ku dhawaaqayso natiijada kasoo baxday kiiska dacwadan loo haysto labadan sarkaal ee xisbiga WADDANI ka tirsan.

Gabagabadiina masuuliyiinta WADDANI ayaa iyagu si adag u canbaareeyey xadhigan iyaga oo sidoo kalena eedaymo usoo jeediyey xukuumadda Somaliland iyo taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo ay ku eedeeyeen inaanu dhex ahayn ee uu dhinaca xukuumadda u xaglinayo.Lamana garanayo natiijada kasoo bixi doonta dacwadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here