Naxdin Ka Dhalatay Nin Bartiisa Facebook Soo Dhigay Ilmo Aan Sannad Gaadhin Oo Uu Dilayo

0
627

Cambaarayn caalami ah ayaa ka dhalatay wakhti dunidu si weyn uga naxday Ninkii bartiisa Facebook si toos ah u soo dhigay isagoo dilaya Gabadh yar oo uu dhalay oo aan wali gaadhin da’da sannad jirka.

Man-films-daughters-murder-on-Facebook-768x432

Booliska dalka Thailand ayaa sheegay in Ninkaasi uu sawir isaga qaaday isagoo dilaya gabadhiisa oo 11-bilood jir, ka hor inta aanu isaga laftiisu is-dilin. Ninka dilka geystay oo lagu magacaabi jirey Wutisan Wongtalay ayaa la arkayey isagoo gabadhiisa yar xadhig qoorta kga xidhay, kadibna ka soo lalminayo Saqafka guri aan la deganayn oo ku yaalla Degmadda loo dalxiiso tago ee Phuket ee dalkaasi Thailand.

Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Boliska dalkaasi ayaa sheegay in maydka ninkaasi laga dhinac helay maydka gabadhiisa, inkastoo aanu mareegtiisa Facebook toos u soo dhigin qaabkii uu isku dilay.
Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook ayaa sheegay inay ka naxeen dilkaasi, waxayna xuseen inay Hawada ka saareen dilkaasi foosha xun.
Isbuucii hore, Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay dib-u-eegayso sidii loo ilaalayn lahaa muuqaaladda dilalka ee la soo dhigay Barta Facebook.
Bartamihii bishan, Nin lagu magacaabo Steve Stephens oo deggan Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka waxa uu si Toos Facebook-iisa u soo dhigay isagoo tooganayo qof jidka marayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here