Qaadashada Kaadhadhka Codbixinta Oo Boorama Ka Bilaabatay (Sawiro)

0
565

aadashada kaararka diiwaangalinta ayaa saaka subax ka bilaabatay gobolka Awdal, waxana kaararkaasi laga qaadanayaa 162 goobood oo guud ahaan gobolka Awdal ah.

Magalada Boorama, dadka ilaa hada kaararka u soo baxay inay qaataan waa kuwo aad u tiro yar, waxana la maoodaa in dadka wacyigoodu aanu kor u kacsanayn.

Shaqalaha Komishanka ayaa kormeeraya goobaha ay ka socoto kaar-qaybintu, waxana ilaa hada la tilmaami karaa in Kala-saarida la kala saaray goobahii codaynta ee markii diiwaangalinta isku jiray ay caqabad ku noqdeen dad badan oo goobtii ay iska diiwaangaliyeen la yidhi ma yaalaan kaararkiiniii

Sidoo kale waxa socda olole balaadhan oo wacyigalin ah oo uu wado xisbiga Kulmiye kaasi oo dadka loogu yeedhayo inay qaataan kaararka, tani badalkeedase, Axsaabtii

kale ee Ucid iyo Wadani ayaa u muuqda kuwo aanay u qorshaysnayn inay dadka ugu baaaqaan qaadhashada kaararka corbixinta

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here