Badhasaabka Burco Iyo Badhasaabka Gobolka Saraar Oo Seefta Madaxweyne Silaanyo Oo Kurka Hordhigi Doonta

0
2758

Laba Badhasaab Oo Ka Mid Noqonaya Masuuliyiinta Seefta Madaxweyne Silaanyo Qaadato.

Iydoo Mudooyinkii U Danbeyey Si Wayn Loo Hadal Hayey Isku Shaandhaynta Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ku Samayn Doono Xukuumadisa Ayaa Isku Shaandhayntasi Waxaa Safka Hore Kaga Jira Badhasaabada Togdheer Iyo Saraar

Badhasaabka Gobolka Saraar Ayaa Ku Fashilmay In U Wax Ka Qabto Dablayda Hubaysan Ee Mudooyinki U Danbeyey Gaadidleyda Iyo Ganacstada Dhibaatooyin Ugu Gaysta Wadada U Dhaxaysa Degmada Oog Iyo Gumays

Dablaydan Oo 25/4/2017 Ku Dilay Nin Waday Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Yaasmin Group Oo Ah Shirkada Leh Basaska Yar Yar

Ninkan La Dablaydu Dishay Ayaa Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Maamulka Putland Wax Ka Qabasho La,aanta Dablaydan Ayaa Ah Arimaha Galaafatay Isla Markaana Ay Xukuumada Isku Seegen Wax Ka Qabashadeda Badhasaabka Gobolka Saraar Oo Tahli Kari Waayey In U Gurmad Gaadhsiyo Degaanada Abaarta Darani Haysato Gaar Ahaan Degaanka Higlada Oo Hal Qof Isu Del Delay Gaajo Iyo Haraad

Sidoo Kale Waxaa Gobolka Saraar Ka Dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Fara Baas Ku Haya Dadku Ku Nool Degaanada Saraar Badhasaabka Gobolka Saraar Ayaan Wax Qaylo Dhaana Ka Dirin Xaalada U Gobolkasi Sugan Yahay Maadama Dadka Degaankasi Ay Isu Raacen Abaar Ba,an Iyo Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Dad Badan U Dhinteen

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Cali Saleeban Ramaax Ayaa Gabay Kaalinti Wax Qabad Ee Gobolka Togdheer U Ka Qaban Lahaa

Maxamed Cali Saleeban Ramaax Ayaa Tan Iyo Markii U Majaraha U Qabtay Gobolka Togdheer Waxaa Laga Dareemayey Dub Dhac Iyo Sido Kale Maamul Xumo Baahsan Badhasaab Ramaax Ayaan Isagu Door Muuqda Ka Gelin Gurmadka Iyo Samata Bixinta Dadka Abaaruhu Saameyen Ee Ku Nool Gobolka Togdheer

Xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer Ayaa Ah Mid Inta Badan Xidhan Isla Markaana Aanay Ciidi Ka Soo Xaadirin

Xaalka Badhasab Ramaax Oo Noqday Safarka Hargeisa Iyo Hudheelada Ku Yaala Magaalada Hargeisa Oo U Inta Badan Kula Hadlo Warbaahinta Isla Markaana U Ka Dayriyo Xaalada Abaared

Xukuumada Ayaa Ay Inta Badan Isku Dhaliilen Gurmad La,aanta Abaaraha Iyo Sidoo Kale Kooxo Dhalinyara Oo Dadka U Laaya Baangayaal Iyo Budhadh Kuwaas Oo Badhasab Ramaax Waxba Ka Qaban Kari Waayey Talaaboyinkan Is Biirsaday Ay Galaafanaya Xilka Badhasaabnimo Ee Ramaax

Dhanka Kale Qurbajoogta Reer Togdheer Ee Lacagaha Abaarha Ay Ugu Tallo Galen In Ay kU Caawiyan Masaakinta Ayaa Waxa La,yihin Ciid Ay Ku Wareejiyaan Maadama U Badhasab Ramaax U Xafiisk Ka Maqan Yahay Waqti Kasta

Masuuliyintan Ayaa Macasalamaynaya Tareenka Xukuumada U Gadhwadeenka Ka Yahay Axmed Silaanyo Waxaana Bulshada Ku Dhaqan Gobolada Saraar Iyo Togdheer Ay Si Wayn U Sugayaan Isku Shaandhaynta U Madaxwayne Silaanyo Ku Samaynayo Xukuumadisa

Image result for ramaax

Image result for badhasaabka saraar

Xigasho Wargayska Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here