wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Somaliland Oo Kulan La Qaatey Guddida Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland

0
663

“Anigu Toban Sano Iyo Dheraad Ayaan Ahaa Baarlamaanka Waan Ku Faraxsanahey Imika In La Iiyedho” Wasiir Cali Xasan Maxamed.

Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo gudoomiyaha haay’ada wadooyinka ayaa kulan la qaatay guddida golaha wakiilada ee ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka

Kulankan ayaa intii uu socdey waxaa diirada lagu saarey waxyaabaha u qabsoomey haa’yada wadooyinka Somaliland iyo waxyaabaha ay hiigsaneyso, sidoo kalena labada dhinac ayaa is waydaarsadey agartiyo kala duwan.

Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Naasir Cali shire ayaa ugu horeyn ka waramey waxyaabaha ay kala hadleen wasiirka iyo gudoomiyaha haa’yada wadooyinka Somaliland”manta waxaa xafiiska Guddida Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada nagu soo booqdey wasiirka hawlaha guud iyo maareyaha wadooyinka, run ahaantii waxan uga mahadcelinayaa sida ay noo ajiibeen, run ahaantii sida aad ka warhaysaan wasaaradan hawlaha guud waa wasaarada ugu mihiimsan qaranka Somaliland, waxaan ka wada hadalney wax farabadan oo ku sahabsan arrimahaa marka laga hadlaayo wadooyinka oo runtii wax farabadan laga shaqeeyay,”ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire.

Naasir Cali Shire Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland isagoo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas raaciyay”waxan ka wada hadalney hantida dawladu leedahey oo marar qaar uu qodobka 12-aad iyo qodobka 13-aad ee dastuurku u fasaxaayo ama in la iibiyo lama la kireeyo iyadoo loo maraayo xeerkaas jideynaaya, runtii waxad modaa in waxyaabahaas faraha badan ee aan ka wada hadalney aan isku afgaraney, runtii iney dadaal badan wadaana way noo shegeen”ayuu xildhibaan Naasir Cali Shire hadalkiisa kuso xidhey.

Geesta Kale Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland ayaa dhankiisa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay kulankan ay la qateen Guddida Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland, isagoo sidoo kale hoosta ka xariiqey in wasaarada hawlada guud ay dadaal ugu jirto dhismaha wadooyin tayo leh oo dalka laga hirgaliyo.

“sidaa xildhibaanku idin sheegay waxaanu la kulaney Guddida Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland oo iyagoo gudanaay waajibaakooda daskuuriga ah noo yeedhay si aan isaga xog waraysano shaqada aan qaranka u hayno runtii dee anigu toban sano iyo dheraad ayaan ahaa barlamaankoo waaan ku faraxsanahey imika inaan lay yeedho oo shaqadaa guto waana runtii wada shaqeyn iyo isku xidhnaan waana maalintii halkan baarlamaanku iga ansixinaayay in marka kasta oo lay baahdo aan golaha imaan karo hadii alle ka dhigo, waxay guddidu wax naga waydiyeen hawlaha aan qaranka u hayno oo dhinaca wadooyinka, dhinaca gaadid iyo dhinac guryahana iyo hantida kale ee dawlada iyo dhamaan shaqooyinka balaadhan ee aan qaranka u hayno si furan ayaan uga waraney wixii aan qabaney, waxa gacanta lagu hayo iyo waxaa mustaqbalka qorsheysan, “ayuu yidhi Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland

Ugu Danbeyn Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) waxaa uu si cilmiyaysan uga jawaabey su’aalo warbaahintu goobta ku waydiisey.a mareexan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here