Booliis Digniin Siiyey Bisad laga shakiyey & sababta Xayawaan looga Shakin karo

0
665

Bisadda looga shakiyey inay haysato qori nooca rayfalka ah ayaa loogu yeedhay ciidamada booliiska ee magaalo ku taal Maraykanka.

Bisaddan ayuu ciidanka booliiska soo gaadhsiiyey nin ku arkay geed ay saarnayd intuu sawir ka soo qaaday.

Sarkaal ka tirsan booliiska magaalada Newport, Oregon, ayaa ku tilmaamay muuqaalka ninku u keenay inuu yahay wax aan jirin oo niyadiisa isu sawiray.

Muuqaalka bisadda , midabkeeda, iyo qaabka ay ugu fadhido geedka ayaa u muuqday inay haysato qori rayfal ah. Ciidamada Booliisku waxay bulshada u xaqiijiyeen inaanay bisaddu hubaysnayn, halisna aanay ahayn.

Waxay u sheegeen idaacad maxali ah (KATU) in qofkii muuqaalka sawirka soo qaaday ula muuqay si kale.

Farriin ciidamada Booliisku ku baahiyeen bartooda Facebook ayey ku sheegeen inay digniin siiyeen bisaddii, waxaanay u qornayd sidan, “Wararka in bisad hubaysan saaka la arkay waa been, bisadda waxa u tegay ciidanka, waxayna ogaadeen inaanay hub haysan.

“Digniin afka ah ayaa la siiyey bisaddii, inaanay dib iskaga dhignin inay hub haysato.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here